Liverpool ayaa wax ka weydiisay sida ay wax u heli karto laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Arda Guler waxayna haatan isku diyaarineysaa inay si rasmi ah u dalabto. (Turkish Football) Sidoo kale kooxda Liverpool ayaa laba xidig rabta kuwaas oo kala ah laacibka garabka uga ciyaara Wolverhampton Wanderers Pedro Neto iyo daafaca bidix ee Rayan Ait-Nouri, kuwaas oo lagu qiimeeyay aduun dhan £98m oo la isku daray. (GIVEMESPORT)

Barcelona ayaa u xaqiijisay Dani Olmo in ay heshiis lix sanno ah galeyso iyadoo dooneysa inay ku guuleysato tartanka loogu jiro laacibka qadka dhexe ee kooxda RB Leipzig. (BILD – Germany) warar kale ee ka soo baxey kooxda Barcelona ayaa sheegaya in laacibkan Ferran Torres oo lagu qiimeey €30- ama £25m oo ku sii jeedo kooxda Newcastle United oo rabta in ay dalab ka gudbiyo dhawaan (Fichajes spain)

Atletico Madrid ayaa “aad ugu kalsoon” inay xagaagan la soo saxiixan doonan laacibka qadka dhexe ee chelsea Conor Gallagher xagaagan. (TEAMtalk)

AC Milan ayaa dib usoo celisay wadahadallada ay chelsea kula jirtey ee u aadan xidiga ka soo qalin jebisay akedemiyada kooxda ah weeraryahankan Armando Broja. (Calciomercato – italy.)

Arsenal laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Sociedad Mikel Merino ayaan wax dan ah u haynin ku biirida kooxda Barcelona waxaana la filayaa taa bedelkeeda in uu u dhaqaaqo kooxda arsenal. (sport -spain.)

Manchester United ayaa wada hadalo ka yeeshay tallaabo ay ku dooneyso inay weeraryahanka Brentford Ivan Toney ku soo biirineyso fursadaha dhanka weerarka ah oo ay ku Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee, balse kaliya waxa ay isku dayi doonaan inay la soo saxiixdo laacibka reer England haddii uu sicirkiisa soo dego. (GIVEMESPORT)

Manchester United ayaa daneyneysa inay u dhaqaaqdo laacibkii hore ee Barcelona iyo Chelsea daafaca bidix ee Chelsea ee Marcos Alonso kadib markii laga fasaxey garoonka camp Nou. (The Mirror)

AC Milan Dabafaaca dhexe ee Malick Thiaw ayaa bartilmaameed baʼan u ah kooxda Newcastle United ay diyaar u tahey in ay bixiso 35 m oo gini (The Times)

Tottenham Hotspur ayaa wali doonaysa inay hesho heshiiska xidiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa Jacob Ramsey oo dhanka khadka dhexe ah. (Football Insider)

West Ham United ayaa ku guul darreysatay inay lasoo saxiixan doonto daafaca buuxa ee kooxda Nottingham Forest Neco Williams. (HITC)

Kooxda Saudi Arabia ee Al Ittihad ayaa dalabkii ugu dambeeyey u diri doonta goolhayaha kooxda Manchester City Ederson ederson qiimihiisuna yahey €38m (£32m) ka hor inta aysan u dhaqaaqin bartilmaameedyada kale. (Rudy Gallery)

Girona ayaa ku soo dhawaanaya heshiis ay ku doonayo in uu la soo celiyo laacibka kooxda Tottenham ee Bryan Gil. (Mundo Deportivo – Spain)

Kooxaha Brentford iyo Everton ayaa ka mid ah kooxaha laacibkan daafaca dhexe ee Lyon ka tirsan Jake O’Brien oo 23-jir ah. xidigaan heerka caalami ee xulka dalka Ireland ayaa xagaagan ka tago doono dalka france. (Foot Mercato – France)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *