Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda kubbada cagta oo hesha lacag dhaafta 1 bilyan oo euro, sida ay warbixintooda rasmiga ah ku xaqiijiyeen maanta. Los Blancos ayaa lagu sheegi karaa in ay ku jirto xaalad dhaqaalo oo aad u xoogan kana xoogan koox kasta oo Yurub ah, iyada oo ku soo darey kooxda xidiga Kylian Mbappe xagaagan horeyna ay u joogeen xidiga badan oo waa weyn oo ay ka mid yihiin Vinicius Junior iyo Jude Bellingham iyo kuwo kale oo badan.
Guulaha ay kooxdan Real madrid ku gaartay sanadkaan oo ay ku guuleysteen labo koob oo kala ah La Liga ah iyo Champions League xilli ciyaareedkii dhamaadey ayaa ka dhigtay inay caan ku yihiin mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka.

Siideynta warbixinta ku saabsan xisaabaadkooda sanadlaha ah ee daqligooda 2023/24, ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay kooxda Real Madrid ayaa u qornaa sida tan: "Dakhliga u soo xaroodey kooxda xili cayaaredkii dhamaadey 2023/24 wuxuu gaadhay €1.073bn, wuxuuna kor u kacey €230m (27%) marka la barbar dhigo daqligii u soo xaroodey xili cayaareedkii 2022/23, in kasta oo garoonku kooxda aanu si buuxda oo dhameynin howshii ku socotey hadana naadigu waxa uu ku guulaystay in uu meesha ka soo saaro 1bilyan euro oo dakhliga ah.

"Ganacsi kasta oo ka mid ah ganacsiyada kooxda wuu kobac, marka laga reebo xuquuqda baahinta, halkaas oo dakhliga ka soo galey dhanka La Liga 2023/24 uu ka hooseeyey xilli ciyaareedkii 2022/23. Guulaha laga gaaray suuqa cayaartoyda iyo garoonka ayaa si gaar ah loo xusey.
"Marka loo eego dhinaca ganacsiga, naadigu waxa uu si weyn u xoojiyey ganacsigiisa iyo hawlihiisa xayeysiinta inta lagu jirey xili cayaareedkii 2023/24. waxaa ku jiro heshiis cusub oo ay kooxda la gashey shirkada HP oo lagu xayeysiin doonto maaliyadaha kooxda.

“Garoonka, inkasta oo arrimihii garoonka la xidhiidha dib-u-habayntaa aanu dhammaystirnayn wali haddana waxa sannad kasta kor u kac ku yimi xagga awoodda iyo hawlaha ganacsi ee garoonka, taas oo keentay in la dhiso goobo ganacsi oo cusub oo laga hirgeliyey qaybta dambe.

“Arrimahaan oo dhami waxay keentay inuu kordho dakhli la xidhiidha garoommada, inkasta oo aanay noqonayn in dhamaato ilaa sanadka 2024/25 in garoonku si buuxda uga hawlgalo goob kasta oo ganacsi, ugu dambayn dakhliga ka soo xarooda tartamada caalamiga ah ayaa kor u kacay iyo guushii Champions League sanadkaan iyo (Semi-final-kii sannadkii hore)."

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *