Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in Kevin De Bruyne uusan ka tagi doonin Manchester City xagaagan, inkastoo ay jiraan warar xan ah oo ciyaaryahanka khadka dhexe la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo Saudi Pro League.

Xidigaan reer Belgian-ka ayaa hore u qirtay inuu 'u furan yahay' inuu u dhaqaaqo Bariga Dhexe hadda wuxuu ku jiraa sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa. Sida ay wax ku socdaan, De Bruyne ayaa soo geba gabeyn doona tobankii sano ee uu ku sugnaa Etihad stadium dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, ilaa ay kooxdu ku qanciso mooyee inuu saxiixo heshiis cusub. Laakiin hadda ugu yaraan De Bruyne ayaa sii ahaan doona qayb ka mid ah kooxda Guardiola, iyadoo tababaraha reer Catalan uu doonayo inuu xaqiijiyo in xiddigiisu uusan bixi doonin xagaagan.

“Kevin ma socdo” ayuu Guardiola u sheegay saxaafada ka hor kulanka saaxiibtinimo ee ay City la ciyaari doonto Celtic. “Haddii uu qof baxo, waanu ka hadlaynaa arrintaas.
“Dabcan, ilaa maalinta ugu danbeysa, waxaan haysanaa fursado aan ku soo adeegan karo suuqa kala iibsiga,ma diidayo fursada aan ku heli karno ciyaartoy cusub laakiin waxaan qabaa inay jirto 85/90 boqolkiiba fursad ah in aan haysto kooxdeyda haatan.

"Waxaan dareemayaa raaxo, sababtoo ah xidigaha tayada leh ee aan ku leenahay kooxda waa ay adagtahay in la beddelo, laakiin waan arki doonaa, ma garanayo daqiiqada ugu dambeysa haddii qof u yimaado ciyaartoyda qaar iyo in kale. way baxaan, anaga ayaa go'aansan doona."

Hadalka Guardiola ayaa soo xiray wararkii ugu dambeeyay ee sheegayay in De Bruyne uu heshiis shaqsi ah la gaaray Al Ittihad – isla kooxda ay joogaan Karim Benzema, Fabinho iyo N’Golo Kante. De bruyne ayaa yimid City xagaagii 2015, waxaana tan iyo markaas uu kor u qaaday 15 koob oo waaweyn.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *