Barcelona ayaa si aad ah ugu kalsoon tahay inay la soo saxiixan doonto laacibka weerarka garabka ah ee naadiga Athletic ee Nico Williams waxaana ay haatan isku diyaarineysaa inay bixiso lacagta lagu bur burin karo qandaraaskiisa taasi oo lagu qiimeeyey 58m Euro. (Fabrizio Romano)

Manchester United ayaa daneyneysa saxiixa xidiga kooxda Bayern Munich daafaca buuxa ee Noussair Mazraoui balse waxa ay tartanka kala kulmi doontaa kooxda West Ham. Kooxda Bundesliga ayaa u ogolaan doonta in laacibkaan ay ku fasaxaan aduun dhan £19 m. (Sky Sport Germany)

Jadon Sancho ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain xagaagan iyadoo kooxda Ligue 1 ay isku diyaarineyso inay heshiiska u soo bandhigaan laacibka. Xidiga Man Utd ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah ku qaatay kooxda Borussia Dortmund kadib markii khilaafkii dhowaan la xaliyay ee ka dhaxeeyey isaga iyo macalinkiisa Erik Ten Hag. (Foot Mercato Franse)

Marseille ayaa la sheegay inay shuruudaha shaqsi ah kula heshiisay laacibka kooxda Arsenal Eddie Nketiah, kaasoo lala xiriirinaayo inuu ka soo tago Emirates si uu u helo waqti badan uu ku cayaaro kubada cagta ah. (L’Equipe – France)

Manchester City ayaa culays ku haysa inay u cadaadis kooxda Crystal Palace iyo xulka england ku aadan xidiga Eberechi Ezeze kaasi oo wacdaro ka soo dhigey xulkii england ee ka qeyb ahaa euro 2024, xidigaan oo qandaraaska heshiiskiisa lagu bur burin karaa £60 m oo lagu daray lacagta dheeri ah oo kale . (Mirror) Waxa ay sidoo kale Man city rabtaa goolhayaha PSG Gianluigi Donnarumma in uu yahay musharax laga yaabo inuu badalayo Ederson oo 30 jir ah, kaasoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqo dalka Sucuudiga ee Pro League. (Sky Sport Italy)

Manchester United ayaa diyaar u ah inay maalgashi wayn sameyso si ay old Trafford ugu soo keento laacibka kooxda PSG Xavi Simons. Laacibkaan heerka caalami ee dalka Netherlands waxaa lagu qiimeeyaa aduun dhan £84m. (Bild – Germany)

Jarrad Branthwaite, oo ah bartilmaameedka kale ee Manchester United, ayaa laga yaabaa in loo soo bandhigo heshiis cusub oo la wanaajiyey oo uu kula jiro Everton si uu uga hor istaago u dhaqaaqidiisa Old Trafford. (Fabrizio Romano)

Tottenham Hotspur Labada ciyaaryahan ee ka cayaara garabka ee Bryan Gil iyo daafaca bidix ee Sergio Reguilon ayaa laga saaray safarka Tottenham Hotspur ee ku jira isku diyaarinta xilli ciyaareedka soo socda 2024-25.(Tottenham Hotspur)

Arsenal ayaa soo gabagabeyneysa heshiis 42.1 milyan ginni ah oo ay kula soo wareegeyso daafaca Bologna Riccardo Calafiori, iyadoo ciyaaryahanka la filayo in lagu dhawaaqo goor dhow. (Gazzetta Dello Sport – Italy)

Real Madrid ayaa rajeyneysa inay kala tagaan goolhaye Andriy Lunin, iyadoo Liverpool ay dooneyso inay lasoo wareegto goolhayaha. xidigaan wuxuu noqon karaa saxiixii ugu horreeyay ee Arne Slot. (SPORT – Spain)

Chelsea ayaa wadahadalo la bilowday goolhayaha Villarreal Filip Jorgensen iyadoo tababaraha cusub ee Enzo Maresca uu rajeynayo inuu tartan u keeno Robert Sanchez. Kepa Arrizabalaga ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu ka tagayo Stamford Bridge. (Fabrizio Romano)

Barcelona ayaa heshiis la gaartay kooxda Los Angeles FC si ay u soo qaadato daafaca dhexe Mamadou Mbacke, kaasoo xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Barca Athletic. (SPORT – Spain)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *