Mustaqbalka Kevin De Bruyne ayaa cirka isku shareeray ka dib markii kooxda Saudi Arabia ee Al-Ittihad ay u soo bandhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium dalab qaali ah si uu uga tago Manchester City sagaal sano ka dib. Manchester City ayaa ku fikiraysa inay 68 milyan ginni kula soo wareegto kubad sameeyaha Crystal Palace Eberechi Eze. Kooxda ku guulaysatey horyaalka premeir leauge si taxane ah ee Pep Guardiola ayaa miisaamaysa dookhyadooda iyada oo kooxda Saudi Arabia Al-Ittihad ay heshiis qaali ah la gashay Kevin de Bruyne oo 33 jir ah. Eze oo ah 26, ayaa soo jiitay xiisaha kooxaha Tottenham kuwaas oo raadinaya xidig tayo badan oo u dhexeeya weerarka iyo daafaca.Laakiin, haddii ay City ka dhabeyso xiisaheeda, kooxda woqooyiga London ee Tottenham waxay noqon doonaan kuwo aan awood u lahayn inay  hor istagaan ciyaartoyga inuu ku dhaco soo shabaqa Etihad. City waxa ay muddo dheer la dhacsan Eze, oo mid ka mid ah xidigaha ugu waa wayn ee Premier League marka laga reebo afarta sare. Saddex sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa Palace iyo qiimaha lagu burburin karo 60 milyan ginni oo lagu daray waxyaabo kale.

Kooxda ka dhisan koonfurta London ma ogolaan doonto inuu kaga tago wax ka yar. Gaar ahaan ka dib markii ay waayeen mid kale oo ka mid ah xiddigahooda soo kacay, Michael Olise, oo ku biiray Bayern Munich. Kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa si gaar ah ula dhacsan dabeecadiisa iyo qaab cayaareedkiisa kubada wuxuu kaloo ka cayaari karaa boosas badan. Xilli ciyaareedkii hore waxa uu ahaa mid aad ugu fiican Palace, inkastoo xili cayaareedkiisa uu dhaawac ku hakiyay hadana waxa uu dhaliyay 11 gool waxana uu caawiye ka noqday afar gool si uu kooxda Oliver Glasner u soo saaro kaalinta tobnaad ee horyaalka Premier League.

De Bruyne ayaa la filayaa inuu heshiis la gaaro kooxda Al-Itixaad. Kooxda Pro League ayaa dhawaan u magacawday macalinka reer France ee Laurent Blanc in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda waxana ay ku faantaa xiddigo waaweyn oo ay ku jiraan Fabinho iyo Karim Benzema. Ka dib 382 kulan, 102 gool, 170 caawin iyo 15 koob oo City ah, De Bruyne ayaa qirtay heshiis lacag badan oo Saudi Arabia ah inay adag tahay inuu diido maadaama xirfadiisa uu sii dhamaanayo.

Wuxuu u sheegay Het Laatste Nieuws bishii hore: “Weli hal sano ayaa iiga harsan qandaraaskeyga, marka waa inaan ka fikiraa waxa dhici kara. Curadkaydu hadda siddeed jir buu jiraa, wax kale ma garanayo waxaan Ingiriiska ahayn. Waxa uu sidoo kale weydiiyay inta aan u ciyaari doono City. Mar hadday timaaddo fursad waa inaan si gaar ah ula macaamilnaa.

"Da'deyda oo kale markaad tahey waa inaad u furnaataa wax walba, waxaan maqlayaa xaddi lacageed oo cajiib ah oo laga yaabo inay noqoto dhamaadka xirfadeyda, mararka qaarkood waa inaad ka fikirtaa taas.

"Haddii aan halkaas ka ciyaaro laba sano, waxaan awoodi doonaa inaan helo lacag aan caadi aheyn, xitaa hadaan cayaaro kubada cagta 15 sano soo socotoa, xitaa ma gaari karo lacagtaas weli, ka dib waa inaad ka fekertaa in taasi dhici karto."

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *