Liverpool Virgil van Dijk ayaa u furan inuu ka tago, waxaana uu horay u siiyay ogolaanshiyaha wada xaajoodyada uu kula jiro Saudi Arabia si loo gaaro hab rasmi ah oo ku saabsan iibsigiisa xagaaga. Reds ayaa daafaca dhexe ku qiimeeya £46.4m
Beddelka ugu macquulsan ee Van Dijk ayaa noqon kara Odilon Kossounou ee Bayer Leverkusen. Liverpool ayaa wax ka weydiisay helitaanka 23 jirkaan. (Caughtoffside)
Dhanka kale, Liverpool ayaa qarka u saaran inay wadahadalo adag la yeelato daafaca midig ee Trent Alexander-Arnold, kaasoo ay dooneyso Real Madrid. Arne Slot waxa uu " quus ka taagan yahay" inuu sii haysto xiddiga heerka caalami ee dalka England, kaasoo galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa. (Football Insider)

Arsenal ayaa doonaysa in ay Crystal Palace u soo bandhigto weeraryahankeeda Eddie Nketiah kaas oo qayb ka ah heshiiska ay ku keenayso daafaca dhexe ee Marc Guehi garoonka Emirates. (The Daily Star)

Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa labaduba muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa. (Gazzetta dello Sport – Italy)

Al Ahli oo ka dhisan Saudi Arabia ayaa raadineysa heshiisyo ay ku dooneyso weeraryahanka Tottenham Richarlison iyo weeraryahanka Arsenal Gabriel Jesus. (Al Riyadiyah – Sacuudi Carabiya)

Chelsea Conor Gallagher ayaa doonaya inuu ka tago Chelsea kuna biiro Atletico Madrid xagaagan. Atleti ayaa ka codsatay Kieran Trippier inuu isku dayo oo uu ku dhiiri geliyo 24 jirkaan inuu u dhaqaaqo inta lagu guda jiro Euro 2024. (AS - Spain).

Liverpool Wakiilada cayaaryahanka garabka kooxda Real Sociedad Takefusa Kubo ayaa yimid England si ay u dhamaystiraan heshiiska 65 milyan euro oo u dhiganta (£54.7m) oo uu ugu biirayo Liverpool. (Sponichi - Japan)

Manchester United ayaa ku guuleysaneysa saxiixa Adrien Rabiot ka dib markii uu ka tagay Juventus, laakiin wakiilada Faransiiska ayaa weli wadahadalo kula jira Arsenal, Liverpool, Tottenham, Barcelona iyo Real Madrid. (Caughtoffside)

Man Utd ayaa diyaar u ah inay bixiso 17 milyan ginni si ay ula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Palmeiras Richard Rios, iyagoo la dhacsan qaab ciyaareedkiisa Copa America. (GOAL Brazil)

Real Madrid ayaan lacag badan ka bixin doonin daafaca bidix ee Bayern Munich Alphonso Davies xagaagan. Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa dalbanaysa €50m (£42.1m) si ay u iibiso Davies, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo 2025. Real ayaana sugi doonta ilaa uu ka dhacaayo qandaraaskiisa.(Relevo – Spain).

Aston Villa ayaa diyaarin doonta dalab ay ku dooneyso weeraryahanka Atletico Madrid Joao Felix iyagoo bilaabaya raadinta bedelka Moussa Diaby, kaasoo ku wajahan Saudi Arabia. (The Sun)

West Ham United ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca dhexe ee AC Milan Fikayo Tomori. (The Mail)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/




By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *