Kooxda Aston Villa ayaa la soo saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Amadou Onana kaas oo ay Everton kaga soo iibsatay lacag la rumaysan yahay in ay ku kacayso 50 milyan oo gini. Villa ayaa dhawaan ka iibisay xiddiga Douglas Luiz kooxda Juventus bishii hore heshiis qayb isweydaarsi ah kaas oo uu ku jirey xidiga Samuel Iling-Junior iyo Enzo Barrenchea oo ku sii jeeda kooxda West Midlands.Laakiin xilli uu soo socda tartanka champions League, Unai Emery waxa uu aad u doonayay in uu kooxdiisa ku xoojiyo, gaar ahaan khadka dhexe, iyada oo sida Conor Gallagher iyo Giovani Lo Celso lagu tilmaamay bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga todobaadyadii u dambeeyay.

Warka ku saabsan qorshaha Villa ee ku aadan saxiixa Onana ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay subaxnimadii Sabtida, waxaana ay haatan ku garaaceen saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium sida kooxaha kala ah Arsenal, Barcelona iyo Bayern Munich. Onana ayaa markii ugu horeysay u dhaqaaqay Premier League 2022 markaas oo uu Everton kaga soo biiray kooxda Faransiiska ee Lille. Waqtigaas, wuxuu sidoo kale helay dalab uu ku aadi karey West Ham United, laakiin wuxuu doortay Toffees.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u saftay Everton 72 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay afar gool. Warbixinada muhiimka ah ayaa sheegaya in iibkan qaaliga ah uu u ogolaan doono Everton inay sii haysato daafaca reer England Jarrad Branthwaite xagaagan, iyadoo kooxdu ay hore u soo diiday laba dalab oo kaga yimid Manchester United. Villa iyo Everton ayaa horay u sameeyay ganacsi xagaagan ka hor inta aan la furin wada xaajoodka Onana. Tim Iroegbunam ayaa ugu dhaqaaqay Villa Park 9 milyan ginni, halka Lewis Dobbin uu dhanka kale 10 milyan ginni ugu wareegay.


wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/










By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *