€60m ama £51m ee lagu burburin karo heshiiska kubad sameeyaha kooxda RB Leipzig Dani Olmo ayaa si rasmi ah u dhacay, laakiin weli wuu bixi karaa xagaagan, sida ay wararku sheegayaan. 26 jirkaan reer Spain ayaa afar sano ka ciyaarayay Germany, isagoo si tartiib tartiib ah u noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan Bundesliga isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah Eurohii 2024.
Laakiin tartankii Eurohii 2024 oo uu Spain la qaatay Olmo oo runtii xirfadiisa ku soo bandhigay masraxa caalamiga ah, isagoo door muhiim ah ka qaatay in La Roja uu ku guuleysto tartanka markii afaraad - seddex ka mid ah guulahaas ayaa yimid shantii koob ee ugu dambeysay.
Olmo ayaa ku biiray liiska rabitaanka kooxaha Barcelona, ​​Bayern Munich iyo Manchester City, halka Manchester United oo la soo saxiixatey horaantii suuqa kala iibsiga xagaagan xidigo ay ka mid ahaayeen Leny Yoro iyo Joshua Zirkzee ayaa sidoo kale loo la sheegayaa inay xiiseynayaan xidigaan reer spain ee Olmo.
Laakiin in kasta oo afarta kooxba ay la dhaceen xidigaan Olmo qaab cayaareedkiisa laakin ma jirto koox sheegtay in ay bixineys lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa ee kooxda RB Leipzig - taasoo la micno ah in wada xaajoodyadu hadda u baahan doonaan inay raacaan dariiqa caadiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Fabrizio Romano ayaa xusay in Olmo weli loo ogolaan doono inuu ka tago Leipzig haddii ay soo baxdo koox bixineyo lacagtii 60 milyan oo Yuuro - iyadoo warbixino ay soo jeedinayaan in ciyaaryahanka iyo wakiiladiisa ay xiriir wanaagsan la leeyihin kooxda taasi oo sabab u ah rabitaankooda in ay iibiyaan.
Leipzig ayaa u aqoonsan hadii uu ku biiro Barcelona, ​​Bayern, City ama United ay ka dhigan tahay horumar weyn oo xirfadiisa ah, inkastoo xeradiisa ay wadahadalo la qaadatay labada kooxood oo aan ka ahayn kuwa Premier League ka cayaaro.
Wargeysyada hore ayaa shaaca oga qaaday in Barcelona ay dalab afka ah ka gudbisay Leipzig, iyadoo la ogsoon yahay inaysan haysan dhaqaale ay ku bixiso lacagta buuxda ee xidigaan lagu rabo.
Qorshaha lacag bixinta ee kooxda reer Catalan wali ma aysan go'aamin Leipzig in ay qaadato iyo inkale maadaama aysan dooneynin inay ka hor istaagaan Olmo inuu horumariyo xirfadiisa - laakiin way adkeysanayaan lacag cadaan ah oo hada la siiyo si ay ugu fududaato inay ay ka soo adeegtaan oo ay u sameeyaan saxiixyo cusub.
Barcelona ayaa si cad u sheegtay inay doonayaan inay heshiis la gaaraan wakiilada Olmo, kuwaas oo aan qarsanin rabitaankiisa ah inuu sahamiyo fursadaha ka baxsan Leipzig ka hor Euro 2024.
“Sida iska cad way fiican tahay in la arko magacaaga oo ku xidhan kooxaha waa wayn ee Yurub iyo aduunka, taas ayaa i dhiiri galinaysa,” ayuu u sheegay Mundo Deportivo. "Waa wax fiican inaan arko magacaaga oo ku dhex jira kuwa ugu waa weyn, laakiin waxaan ku adkaysanayaa, ma ahan wax i dhibaya, waxaan diirada saarayaa garoonka, ka dibna wax kasta oo ay tahay inay noqdaan, way ahaan doonaan.
Bayern ayaa loo maleynayaa inay mudnaanta siineyso u dhaqaaqista Xavi Simons, saaxiibkii hore ee Olmo ee Leipzig, iyo Rennes' Desire Doue, laakiin waxaa laga yaabaa inay ciyaartoyda ka saaraan albaabka oo ay iibiyaan si ay u helaan qarashkii ay ku bixiyeen saxiixyada Michael Olise, Joao Palhinha iyo Hiroki Ito.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *