Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo celisay xiisahooda weeraryahanka Lens Elye Wahi. Wahi, oo hadda 21 jir ah, ayaa 19 gool u dhaliyey Montpellier xilli ciyaareedkii 2022/23 Ligue1, waxaana si weyn loo filayey inuu ku biiro Chelsea xagaagii hore, taasoo qayb ka ahayd heshiis uu ugu wareegayo kooxda ay walaalaha yihiin ee Strasbourg.
Si kastaba ha ahaatee, Wahi ayaa ugu dambeyntii diiday tallaabadaas, isagoo si cad u qirtay inuusan la dhacsanayn qorshaha Chelsea ee isaga doonistiisa ah, wuxuuna taa beddelkeeda ku biiray Lens, kaasoo uu u dhaliyay 12 gool 37 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in Wahi uu haatanba isha ku hayo in uu ka tago Lens ka dib 12 bilood oo kaliya waxana ay Chelsea mar kale sheegtey xiisaha ay u qabto weeraryahanka da’da yar.
Weli ma jiro wax dalab ah oo la taaban karo oo ka yimid Chelsea, iyadoo Blues ay sugeyso inay aragto nooca qiimaha Lens ku dalban doono si ay u fasaxaan xidigooda.
Kooxda Strasbourg ee mataanaha laha Blues ayaa haatan hogaaminaya xiisaha xidiga Emanuel Emegha oo 21 jir ah, kaasoo sideed jeer shabaqa soo taabtay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore, halka Milos Lukovic oo 18 jir ah uu durba ku biiray xagaagan.

Chelsea ayaa baacsanaysa weeraryahan da’yar si ay u xoojiso weerarkeeda. Xidiga Aston Villa ee Jhon Duran ayaa la sheegey horaantii suuqa kala iibsiga intey rabaan, ka hor inta aysan kooxda Stamford Bridge soo gudbin xiisahooda Samu Omorodion ee Atletico Madrid. U dhaqaaqista weeraryahan cusub waxaa lagu maalgelin karaa lacagta lagu helo Romelu Lukaku, kaasoo mar kale diyaar ku ah suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in xiddiga reer Belguim uu haatanba heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Napoli kuwaas oo doonaya in ay dib u midoobaan Lukaku iyo tababarihiisii ​​hore ee Inter Antonio Conte.


wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/





                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *