Manchester City Weeraryahanka Erling Haaland ayaa meesha ka saaray inuu ku biirayo Real Madrid ka dib markii Kylian Mbappe uu u dhaqaaqay Santiago Bernabeu maadaama uusan dooneyn inuu la midoobo xiddiga reer France. Taas bedelkeeda, waxa uu ka fiirsanayaa inuu ku biiro Barcelona xagaaga dambe. (El Nacional – Spain)

Bayern Munich ayaa ku hormartay tartanka loogu jiro saxiixa Xavi Simons oo ka tirsan Paris Saint-Germain. Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa raadinaysa heshiis amaah ah ka dibna ay iibsadaan qarash ku kacaya 90 milyan oo euro. (L'Equipe - Faransiiska)

Kooxda Newcastle United ayaa wadahadalo la yeelatay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa kadib markii uu burburay xiisihii kooxda Tottenham Hotspur ee ku aadan xiddiga reer Italy. (HITC)

Atletico Madrid Kadib bixitaankii Alvaro Morata oo ku biiray AC Milan, Atletico Madrid ayaa dagsatay qorshe ay ku doonayso xiddiga Man City ee Julian Alvarez. (Mundo Deportivo – Spain)
Liverpool ayaa si adag uga shaqaynaysa inay isku daydo inay Manchester United iyo Arsenal ku garaacdo saxiixa daafaca dhexe ee Sporting CP Goncalo Inacio, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo €60m (£50.5m). (O Jogo - Portugal)

Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay isku daydo saxiixa daafaca dhexe ee Al Nassr Aymeric Laporte kadib markii ay wayday saxiixa Leny Yoro kaas oo qarka u saaran in uu ku biiro Man Utd. (El Mundo – Spain)

PSG ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto xiddiga khadka dhexe ee Benfica Joao Neves ka hor Man Utd, iyadoo ay ku dhowdahay in ay bixiso 70 milyan oo euro (£ 58.9m). (A Bola - Portugal)

Chelsea ayaa kula tartami doonta Aston Villa, Tottenham iyo Napoli saxiixa daafaca dhexe ee Atletico Madrid Mario Hermoso. (Calcio Napoli – Italy)

Tottenham Weeraryahankooda Richarlison ayaa waxaa doonaya labada kooxood ee Saudi Arabia Al Ittihad iyo Al Qadsiah. (Fichajes - Spain)

West Ham United ayaa ku guuleysatay tartanka loogu jiro saxiixa garabka ka cayaara ee Arsenal Reiss Nelson, kaasoo lagu qiimeeyo 25 milyan ginni. ( talkSPORT)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *