Manchester City ayaa 20 jirka garabka uga ciyaara Brazil ee Savinho ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan xilli ay isha ku hayso in ay markale difaacato horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2024/25.
Heshiis €40m (£33.7m) ah ayaa lala gaaray kooxda Faransiiska ka dhisan ee Troyes, oo xubin ka ah qoyska guud ee kooxda kubadda cagta ee City (CFG). Savinho ayaa ogolaaday heshiis shan sano ah oo ku eg 2029, wuxuuna xiran doonaa lambarka 26-aad ee uu markii u dambeesay u xirnaa Riyad Mahrez.
Savinho ayaa xilli ciyaareedkii hore si weyn ugu soo caan baxay amaahda uu ku joogo Girona iyada oo kooxda yar ee reer Catalan, oo ah koox kale oo ay leeyihiin reeraha le city ee loo soo gaabiyo CFG ah, Girona oo ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee La Liga iyagoo u soo baxey Champions League.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku biiro Manchester City, kooxda heysata horyaalka Premier League iyo ku guuleysiga Club World Cup, qof walba waa ogyahay inay yihiin kooxda ugu fiican adduunka hadda, marka inaan halkaan joogo aad ayay ii xiiso badan tahay,” ayuu yiri ciyaaryahanka.
“Waan ku faraxsanahay fursadda aan uga hoos shaqeyn karo Pep Guardiola, mid ka mid ah tababarayaashii abid ugu fiicnaa, iyo qof aan garanayo ayaa iga caawin doona inaan horumar sameeyo.
“Waqti cajiib ah ayaan ku qaatay Spain, waxaana rajeynayaa inaan tartan cusub u galo ka ciyaarista Premier League iyo inaan ka garab ciyaaro qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, ma sugi karo inaan la kulmo taageerayaasha iyo saaxiibadeyda cusub. waxaanan rajaynaynaa in aad qayb ka noqoto guulo badan oo magaalada lagu soo kordhiyo."

Agaasimaha kubbada cagta Txiki Begiristain ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Savinho waa ciyaartoy aad u xiiso badan, waxaana filayaa in jamaahiirta City ay si dhab ah ugu raaxaysan doonaan daawashada isaga, wixii uu xili ciyaareedkii hore ku gaadhay Girona waxay ahayd mid cajiib ah wuxuuna haddaba noqday xidig buuxa oo Brazil ah.

“Waxa uu leeyahay door weyn oo uu u ciyaaro Manchester City xilli ciyaareedkan iyo wixii ka dambeeya, gabi ahaanba waan ku kalsoonahay awoodiisa, wali waa da 'yar, waxaana uu leeyahay awood uu ku noqon karo mid ka sii fiican, qof walbana wuu ogyahay in Pep uu yahay kan ugu fiican caawinta ciyaartoyda xitaa horumarkooda. Laakiin waxa uu hore u muujiyay tayadiisa weyn iyo awoodiisa farsamo waana wax soo kordhinaya aagga weerarka.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *