Real Madrid ayaa ka dhigtay daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold bartilmaameedkooda ugu weyn ee suuqa kala iibsiga xagaaga 2025 markaas oo uu qandaraaskiisu dhacayo.( talkSPORT)
Madrid ayaa sidoo kale isku dayi doonta saxiixa Leny Yoro ka dib markii Manchester United ay dalab ka gudbisay daafaca oo ay aqbashay Lille. Yoro ayaa aad uga door bidi lahaa inuu aado Santiago Bernabeu intii uu Old Trafford aadi lahaa. Si kastaba ha ahaatee, Man Utd ayaa ku guuleysatay inay ku qanciso Yoro inuu u safro England si uu u maro tijaabada caafimaadka iyo inay kala hadlaan shuruudaha shaqsiyeed. (The Athletic)
Manchester City ayaa diiday dalab 25 milyan ginni ah oo ay Al Nassr ku dooneysay goolhaye Ederson, iyadoo ku qiimeysay goolhayaha reer Brazil laba jibaar lacagtaas. (Fabrizio Romano)
Liverpool ayaa weli xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atalanta Teun Koopmeiners, Reds ayaana hogaanka u heysa tartanka Juventus ugu jiro xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands. (Calciomercato – Italy)
Aston Villa ayaa diyaar u ah inay Barcelona iyo Chelsea kula xifaaltamaan xiddiga reer Spain Nico Williams, kaasoo markii ugu horeysay uu xagaagii lasoo dhaafay xiriir la sameeyay Unai Emery. (TEAMtalk)
Arsenal iyo Chelsea ayaa ah labadii kooxood ee ugu dambeeyay ee ku haray xiisaha ay u qabaan weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres xagaagan.(Football Transfers)
Manchester City ayaa ku wargelisay Julian Alvarez inaan la iibin doonin xagaagan. Atletico Madrid, Barcelona iyo PSG ayaa dhamaantood xiisaynayey inay u dhaqaaqaan weeraryahanka reer Argentina. (Caughtoffside)
Cole Palmer ayaa u sheegay saaxiibkiisa England Ollie Watkins inuu isaga tago Aston Villa oo uu ku biiro Chelsea. Palmer ayaa si caan ah u caawiyay Watkins daqiiqadii ugu dambeysay ee Semi-finalka Euro 2024 ee Three Lions oo ay la ciyaareen Netherlands. (football Insider)
Chelsea ayaa sidoo kale xiiso u qabta xidiga garabka ka cayaaro ee Leeds United Crysencio Summerville, waxaana uu haatan sidoo kale bartilmaameed u yahay Rennes si uu u noqdo bedelka Desire Doue, kaasoo ay xiiseyneyso PSG. (Foot Mercato - France)
Bayern Munich ayaa isku dayaysa inay la soo wareegto Doue iyo Xavi Simons xagaagan, iyadoo Dani Olmo uu yahay dookh kale haddii ay ku heshiin waayaan heshiisyada labada xidig ee kor ku soo sheegney. (Sky Sports Germany)

Tottenham Hotspur ayaa rajeyneysa inay keensato ugu yaraan seddex ciyaaryahan oo kale xagaagan, iyadoo Conor Gallagher uu weli ka mid yahay bartilmaameedyada ugu sarreeya. (GiveMeSport)

Romelu Lukaku ayaa mudnaanta siinaya inuu dib ula midoobo Antonio Conte Napoli, laakiin wareejintu waxay ku xiran tahay mustaqbalka Victor Osimhen. (Fabrizio Romano).

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *