Barcelona ayaa rajaynaysa in ay hesho saxiixa xiddiga reer Spain ee Nico Williams xagaagan laakiin waxa lagu soo waramayaa in ay ka wal walsan tahay in ay iska celiso xiisaha ay u qabaan labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea. Xidigaan ku guuleystey Euro 2024 Williams ayaa noqday mid ka mid ah laacibiinta ugu shidan suuqa kala iibsiga xagaaga oo looga hadal haayo ka dib markii uu wacdaro ka dhigay masraxa caalamiga ah ee Germany. 22-sano jirkaan ayaa ka fujiyey xulkiisa daqiiqado ka dib qeybtii labaad ee ciyaarta finalka Axadii, isagoo ka caawiyay Spain inay ku guuleysato koobka Yurub.Barca ayaa weli dooneysa iney si dhaqsi ah ku soo qaadato ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Athletic Club, laakiin waxaa laga yaabaa inay saxiixiisa kula dagaalanto kooxaha kale ee ugu sareeya Yurub. Wararka uu soo qorey wariyaha weyn ee Fabrizio Romano ayaa daaha ka qaaday in kooxda reer Spain ay ka walwalsan tahay Arsenal iyo Chelsea kuwaas oo sidoo kale soo bandhigey xiisaha ay u qabaan Williams xagaagan. Waxa uu yiri: “Barca waxa ay dooneysaa in Nico Williams yimaado, Barca waxa ay dooneysaa in ay dhaqso u sameyso iibkiisa sababtoo ah waxa ay og yihiin in kooxaha ugu sareeya England, Chelsea, Arsenal, ay isha ku hayaan xaalada Nico. “Ma rabaan inay bixiyaan lacagtaas badan ee lagu burburin karo qandaraaskiisa, wakiila, mushaharka, sidaas darteed Barca waxay dooneysaa inay ku guuleysato tartankan xidigaan, waxay rabaan inay dhaqso u dhameeyaan Barca waxay diyaar u tahay bilawga usbuuca soo socda si ay u hormariso oo ay u riixdo heshiiska.” Barcelona ayaa ka cago jiideysa inay bixiso qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Williams, kaasoo la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay 50 milyan ginni, laakiin waxaa laga yaabaa inay isku daydo inay heshiis ka gasho qorshe lacag bixin ah kaasoo u oggolaanaya inay bixiyaan qiimahaas dhowr sano ee soo socota.
Lacagtan oo kale uma badna inay dhibaato ku noqoto midkood Arsenal ama Chelsea, in kasta oo wararka ay sheegayaan walaaca koowaad ee ay Blues ka qabto u dhaqaaqida Williams ee ku saabsan waa mushaharkiisa. Chelsea ayaa doonaysa in ay iska ilaaliso in ay bixiso mushahar aad u badan waxana ay aaminsantahay in saxiixa Williams uu ka hor imanayo qaab dhismeedka mushaharkooda ilaa uu hoos u dhigo mooyaane. Williams ayaa laga yaabaa inuu doorbido u dhaqaaqista Barca si uu u sii joogo Spain oo uu iskaashi ula sameeyo lamine Yamal. Catalans ayaa rajeyneysa inay dib u soo cesilo wada shaqeynta Williams iyo Yamal ee xulkooda haddii ay awoodaan inay ku dhaadhiciyaan in u dhaqaaqo Barca, iyagoo noqonaya labo ciyaaryahan oo muhiim ah Barca ayaa isku dayi doonta inay ka saaraan Real Madrid booska ugu sarreeya La Liga sanadkaan soo socda.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/





By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *