Jadon Sancho ayaa ku soo laabtay tababarka Manchester United ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ka dib markii uu wadahadalo wanaagsan la yeeshay tababare Erik ten Hag. Sancho ayaa amaah uga tagay Red Devils bishii Janaayo ka dib markii ay isku dhaceen macalinkiisi reer Holland ee Ten haag bishii September ee la soo dhaafay. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa laga saaray ciyaartii ay 3-1 kaga badiyeen Arsenal, waxaana uu sheegay in laga dhigay mar marsiinyo guuldaradaas" ka dib markii uu Ten Hag sheegay in aan lagu soo xulin sababo la xiriira qaab ciyaareedka liita ee dhanka tababarka.
Ten Hag ayaa ka saaray Sancho kooxdiisa ka dib, isagoo u diiday inuu dib ula midoobo ilaa uu raaligelin ka bixiyo mooyaane, 24 jirkaan ayaa si ku meel gaar ah ugu soo laabtay kooxdiisii ​​hore ee Borussia Dortmund, isagoo ka caawiyay kooxda Jarmalka inay gaarto finalka Champions League - ciyaar laga badiyay. 2-0 ayaa looga badiyay kooxda ugu cadcadeyd ee Real Madrid.
Mustaqbalka Ten Hag wuxuu ahaa mid aad loo hadal hayo ka hor inta aysan Sir Jim Ratcliffe iyo INEOS go’aansanin inay sii hayaan tababarihii hore ee Ajax, isaga iyo Sancho waxay u muuqdaan inay soo kala dhex galeen khilaafkooda ka hor xilli ciyaareedka 2024/25. ESPN iyo dhowr wargeys ayaa soo wariyay in labada nin ay wadahadalo togan yeesheen isbuucaan Sancho uu diyaar u yahay xulashada hore u socoshada, in kasta oo aan la ogeyn in United ay diyaar u tahay inay iibiso iyo inkale hadii ay helaan dalab ku haboon.
Kooxda Serie A ka dhisan ee Juventus ayaa si xoogan loola xiriirinayey Sancho, sidoo kale waxaa lala xiriirinayaa saaxiibkiis United Mason Greenwood, iyadoo wararku ay sheegayaan in United ay u soo bandhigtay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara kooxaha sida Atletico Madrid, Napoli iyo Paris Saint-Germain.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *