Semi-finalka Euro 2024 ayaa ku jira xasuusteeda, waxaana hadda nagu harey oo aan arki doono sida uu noqon doono cayaarta finalka ah ee u dhexeeya England iyo Spain.
Labadan xul ayaa ka soo reebay Netherlands iyo France si ay u yimaadan booskooda finalka ee Berlin Axada horteeni.Kahor ciyaartaas, waxaa hada soo saarnay shanta ciyaartoy ee ugu bandhiga fiicnaa labadii ciyaarood ee semi-finalka ee xiisaha badnaa.
5. Kobbie Mainoo
Kobbie Mainoo ayaa si qurux badan u ciyaaray kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Euro 2024 oo ku bilowday wareega 8da, laakiin wuxuu ciyaartiisa gaarsiiyay heer kale semi-finalka. Da'yarka ayaa si dhab ah uga soo horjeeday Nederlandka, isagoo si wanaagsan isula cayaareen Phil Foden kulankaas wuxuu sidoo kale gudanayay waajibaadkiisa daafaca ah isagoo badiyay ciyaar kasta oo uu ka qeyb galay.
4. Ollie Watkins
Fiidnimadii Arbacada, Ollie Watkins waxa uu dhaliyay goolkii guusha ee xulka England kaasi oo ka mid noqon doona goolashii ugu caansanaa ee taariikhda kubbada cagta Ingiriiska. wuxuu ahaa gool aan caadi aheyn oo dhashey waqti aan caadi aheyn.
Ciyaartoyga badalka ku soo booday ayaa kubad uu dhigey geeska bidix goosha ayaa shabaqa si qurux badan oo aan goolhayaa gaari karin u gashey.
3. Dani Olmo
Gooldhaliyaha ugu sareeya Euro 2024 inkastoo kaliya lagu soo bilaabay 50% ciyaaraha Spain - waa cadaalad in la yiraahdo Dani Olmo ayaa wacdarahiisa ka dhigay Germany xagaagan. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ayaa farsamo cajiib ah u sameeyay xulka France, waxana uu gooyey tikidhkii qarankiisa ee finalka, waxana qaab ciyaareedkiisa uu ahaa mid cajiib ah.
2. Phil Foden
Wacdarihii qeybtii hore ee ciyaarta ay la kulmeen xulka Netherland waxay ahayd wax aan caqli gal ahayn. Ciyaaryahankii ugu fiicanaa premier league ee sanadkaan ayaa ugu dambeyntii soo bandhigay qaab ciyaareedkiisa looga bartey ee naadigiisa 45-daqiiqo ee uu wajahay Netherlands, isagoo dhulka ku jiidey difaacyada xulkii Netherland gabi ahaanba.
1. Lamine Yamal
Ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee abid gool ka dhaliya Horyaalada Yurub ama Koobka Adduunka, waxaana Lamine Yamal uu noqday ciyaaryahanka heysta rikoorka markii uu goolkii tartanka ugu qurxanaa ka dhaliyay France ciyaartii semi-finalka.
Waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee 16-sano jir ah abid. Oo isagu waa horeba heer caalami ah.

wixii warar ah ee ku saabskan koobkan euro2024 waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/




By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *