Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday saxiixa Joao Palhinha oo muddo dheer ay ka soo shaqeynayeen saxiixiisa kaasi oo ka yimid kooxda Fulham. Palhinha ayaa qarka u saarnaa inuu ku biiro Bayern maalinta ugu danbeysa ee suuqa kala iibsiga xagaaga 2023, laakiin u dhaqaaqidii ayaa ku burburtay daqiiqadihii ugu danbeysay, waxaana ay noqotay inuu ku laabto galbeedka London.
Inkastoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu qandaraas cusub u saxiixay Fulham wax yar ka dib markii uu heshiiskaas dhacay, Bayern ayaa sii xajistay xiisaha xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal, waxaana ay isku dayeen inay dib u soo ceshadaan suuqan.
Waxayna Bavarians xaqiijisay subaxnimadii maanta inay dhamaystireen saxiixa Palhinha oo uu qalinka ugu duugay heshiis afar sano ah.
"Tani waa mid ka mid ah maalmaha ugu farxadda badan nolosheyda," Palhinha ayaa u sheegay kanaalada kooxda Bayern. “Hadda waxaan u ciyaarayaa mid ka mid ah kooxaha ugu sareeya Yurub, waa riyo ii rumowday, aad ayaan ugu faanayaa taas.

"Waxaan isha ku hayaa jawiga iyo taageerayaasha Allianz Arena, waxaan doonayaa inaan guulo kula dabaaldego FC Bayern, ku guuleysto koobab - wax walba ayaan siin doonaa si aan taas u gaaro."
Agaasimaha Sporting Max Eberl ayaa intaa ku daray: “Joao Palhinha waxa horeba loogu qaddarin jiray FC Bayern xagaagii hore – waana sax!

“Joao run ahaantii waxa uu doonayay in uu yimaado FC Bayern waxana aanu u baahanahay ciyaartoy isaga oo kale ah, waxa uu muhiim u yahay mustaqbalkeena, waxa uu mar kale soo bandhigay awoodiisa ciyaareed oo uu ku soo bandhigay marxalad weyn oo uu ka ciyaarayo tartanka qaramada yurub waxana uu la soo baxay khibrad badan”. isagoo horay u soo ciyaaray Horyaalada Yurub iyo Koob Adduun iyo ku dhawaad ​​300 oo kulan oo tartan ah oo uu ka ciyaaray Horyaalada Boortaqiiska iyo Ingariiska waxa uu na siin doonaa Xasilooni badan oo dhanka dhexe ah”.
Palhinha ayaa noqday saxiixii seddexaad ee lacag badan Bayern ay ku bixiso suuqa xagaaga mashquulka badan, iyadoo daafaca Stuttgart Hiroki Ito iyo weeraryahanka Crystal Palace Michael Olise ay sidoo kale u wareegeen Allianz Arena.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *