England ayaa wajihi doonta Spain maalinta Axada koobkii Euro 2024 ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Netherlands cayaartii semi-final ka dhacay Dortmund.
Tani Waxey xulka England u tahey finalkii labaad oo isku xigta oo ay gaaraan iyagoo 55 sano ka soo wareegay markii ay koob caalami qaadeen waana intii u dhaxaysay koobkii adduunka ee 1966 iyo Euro 2020. Laakiin, markii ay rigoorayaal kaga badiyeen Italy saddex sano ka hor garoonka Wembley, kooxda Gareth Southgate ayaa isha ku haysa in ay koobkaan qaadaan oo ay ku ilaabaan xasuustii madoobeyd ee ka soo gaartey Italia. Ollie Watkins ayaa ku soo baxay geesiga lama filaanka ah markii uu ku guuleystay in uu dhaliyo gool daqiiqadii 90aad ee ciyaarta, isagoo kubad ka dhaliyey geeska fog ee goolka inkastoo Stefan de Vrij uu si dhow ula socday. Guud ahaan, waxay mar kale iftiimisay adkeysi la yaab leh oo ka yimid England oo aan la arkin ka hor xilligii Southgate.
Netherland ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqado yar kadib markii Xavi Simons uu jeebka ka qaatay Declan Rice qeybtii hore ee ciyaarta isagoo u soo dhaqaaqay dhanka goolka. Isaga oo aan si degdeg ah loo xidhin, waxa uu kubad qurux badan ka dhaliyey goolhayaha ee england kaliy 7 daqiiqo markey socotey.
England ayaa la gudoonsiiyay hadiyad ka timid VAR ka dib darbadii Harry Kane ay ku dhacdey Denzel Dumfries. Uma ekayn rigoore sida saxda ah, laakiin garsoore Felix Zwayer ayaa loo sheegay inuu la tashado kormeeraha garoonka ka dibna wuxuu ka dhigey xulka Netherland rigoore. Kane ayaa u badelay gool, waana goolkisii lixaad ee rikoorka jabiyay kulamadii knock outka Euro. cayaarto oo ku soo dhamaatey qeybtii hore 1-1 oo bar bar dhac ah.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xulka Netherland ayaa la arkayay Pickford oo ka badbaadiyay Virgil van Dijk. Markii ay wakhtigu sii dhamaanaysay, Bukayo Saka ayaa kubbada dhex dhigey shabaqa laakiin waxa diiday calan sidaha oo ku sheegay offside ah, waxayna ciyaarta u muuqatay mid la aadi 30 daqiiqo oo dheeri ah ilaa uu Watkins oo badal soo daahay ku soo galay booska Kane uu si adag u soo dhexgalay daafacyada xulka Netherland isagoo dhaliyey goolkii guusha daqiiqadii 90 ee cayaarta taasi England u dirtey finalka.
Spain ayaa iska xaadirisay finalka habeenkii xaley ahaa kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen xulka France ciyaartii ugu horeysay ee semi-finalka. Yamal, oo lagu doodi karo hadda 16-sano jirkii ugu fiicnaa ebid ciyaartaan, ayaa dhaliyay gool cajiib ah oo ka caawiyay La Roja finalkii ugu horreeyay tan iyo markii ay ku guuleysteen Euro 2012 in ka badan toban sano ka hor.
Ciyaarta finalka ee ay wada cayaari doonaan Englad iyo Spain ee kama dambaysta ah ee ka dhici doonto Olympiastadion ee Berlin waxa ay bilaaban doontaa 8pm (BST) maalinta Axada 14ka Luulyo.


wixii warar ah ee ku saabskan koobkan euro2024 waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *