Spain ayaa iska xaadirisay finalka Euro 2024 kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen France kulan ka dhacay magaalada Munich ee dalka Germany.
Les Bleus ayaa hogaanka cayaarta qabatey iyagoo gool ku hormarey, laakiin hogaankooda waxaa si deg deg ah u tirtiray kooxda La Roja oo soo laabatay oo si deg deg ah uga jawaabtay inay barbaraha u rogaan cayaarta.
Xulka spain ayaa hadda la ciyaari doona midkood England ama Netherlands kii soo baxo kuwaas oo ku kulmi doona Dortmund. Maalinta axadda ayaa wuxuuu finalka ka dhici doona Berlin Olympiastadion si ay fursad ugu helaan hanashada Yurub.
France ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta sagaal daqiiqo ka dib markii Ousmane Dembele uu kubad ka soo qaadey garabka midig uu ka helay Kylian Mbappe ayaa karoos qurux badan u soo dhigay Randal Kolo Muani, kaasoo dhinac qaldan ka qaatay daafaca Aymeric Laporte, islamarkaana madax ku dhaliyay goolka.
Laakin hogaankii France waxay socotay 12 daqiiqo kaliya, markaasoo ay ka masaxday Lamine Yamal. Isagoo kubbada ka helay meel 25 yard u jirta, garabka Spain ayaa kubad aan la joojin karin ku shuudey goolhaye Mike Maignan si uu ugu soo barbareeyo kooxdiisa. Yamal ayaa noqdey gooldhaliyihii ugu da'da yaraa ee taariikhda ciyaaraha Yurub. Wax yar ka dib, Spain ayaa goolka la hor martay, waxaana u dhaliyay Dani Olmo, kaasoo kubad joog hoose ah uu ka dhaliyay Jules Kounde ka dib markii uu ku guuldareysatay in uu banaanka bixiyo taas bedelkeeda uu iska dhaliyey own gool.
Didier Deschamps ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta sameeyay badalo badan oo weerar ah si uu mar kale isku dayo in ay helaan goolka bareejada,laakin kooxdiisa ayaan ka faaideysan fursadii ah heleen.
Spain ayaa u soo gudubtey finalka taasi oo ay xaqiijiyeen dhamaadkii 5-tii daqiiqo ee ciyaarta lagu darey, taasoo soo afjartay rajadii France ee ku guuleysiga horyaalnimada Yurub ee ugu horeysay muddo 24 sano ah oo ah markii ugu dambeysay ay qaadaan koobkaan.

kulanka indhaha lagu heyn doono waa kan dhex mari doono xulka England iyo Netherland, waxaana sugnaaba kii iska xaadiriyo finalka maalinbta beri ah.

wixii warar ah ee ku saabskan koobkan euro2024 waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/




By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *