Arsenal ayaa wali ku raad joogta saxiixa daafaca reer Italy ee Riccardo Calafiori.
Gunners ayaa la fahamsan yahay inay isku dayeyso inay heshiis la gaarto isbuuca soo socda, iyadoo kooxda ka dhisan waqooyiga London ay ku kalsoon tahay in ciyaaryahanka uu doonayo inuu u dhaqaaqo Emirates, sida uu sheegay saxafiga kubada cagta Talyaaniga Fabrizio Romano. Shuruudaha shakhsi ahaaneed ee qandaraas ilaa Juun 2029 oo ku kacaya €4m oo saafi ah xilli-ciyaareed ayaa horeba ugu heshiiyeen labada dhinac. Arsenal ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u dhamaystiri lahayd heshiiska Riccardo Calafiori todobaadka soo socda maadaama wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada la qorsheeyay ayna ku dhow yihiin in gebagebo. Xidigaan lagu naaneeso Stoneska italia ayaa wuxuu rabaa in uu yimaado horyaalka ingiriiska kaasi oo ah riyada xidig walba oo cayaara kubada cagta aduunka. Horyaalkaan oo soo jiida xidigo badan ayaa hada waxaa la sheegay in uu daafacaan kooxda reer Italy oo ku soo wajah yahey maalmaha fooda inagu soo haaya waqoojiga london iyo garoonka Emirates Stadium.
wixii warar ah ee ka soo kordha heshiiska xidigaan isha ayaan ku heyn doonaa maalmaha soo socda idin kana halkaan isha ku haaya wargeyskena anagaa soo bandhigi doono heshiiskaan iyo sida uu ku dhamaado isbucas oo socda ama maalmaha fooda inagu soo haayo.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *