Manchester United ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa Joshua Zirkzee, iyadoo warbixin ay soo saartay kooxda maanta ay ku sheegtay inay ka shaqaynayso dhamaystirka heshiiska.
Red Devils ayaa baadi goob ugu jirta weeraryahan suuqa kala iibsiga, iyadoo Rasmus Hojlund uu haatan yahay dooqa kaliya ee dabiiciga ah ee weerarka ka dib markii uu dhacay qandaraaska Anthony Martial.
warbaahinta sports ayaa daaha ka qaaday in bishii Janaayo United ay ka mid ahayd kooxihii isha ku hayay Zirkzee, kaasoo xilligaas ku jiray xili cayaareedkii cajiibka ahaa ee Bologna kaasoo ku dhammaaday inay u soo baxaan Champions League.
Wixii markaas ka dambeeyay, United ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabto, waxaana ay kula xifaaltameen AC Milan ciyaaryahanka reer Holland. In kasta oo uu markii hore u muuqday inuu ku wajahan yahay San Siro, sheekada ayaa yeelatey weji kale oo u dhaqaaqista Old Trafford waxay u muuqataa mid aad u macquul ah.
David Ornstein oo ka tirsan The Athletic ayaa sheegay in heshiiska uu 23 jirka Zirkzee ugu biirayo United uu aad u soo dhawaanayo. Kooxda ayaa heshiis ka gaartay heshiis shaqsiyeed iyo qarashyada wakiiladiisa. waaan waxyaabaha hoosta u dhigay xiisihii Milan u qabtey ayaa waxaa ka mid ahaa heshiiskaan dhamaadka ku dhow oo ay United la gaartey xidiga.
United ayaa fursad u haysata inay si fudud u dhameyso oo bixiso qaraskan 34 milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska Zirkzee, Zirkzee waxa uu haatan Euro 2024 la joogaa xulkiisa Netherlands, inkasta dib looga soo darey xulka Holand sababo la xidhiidha dhibaato dhaawac oo soo gaadhay. Laacibkaan oo soo gaabiyay fasaxiisii ​​si uu ugu biiro kooxda macalin koeman ee Netherland waxa ay semi-finalka la ciyaari doontaa England Arbacada.
Waxaa jiray baaqyo loo jeedinayay Zirkzee, oo kaliya seddex daqiiqo ciyaaray koobkaan Eurah ee hada socda inuu ku soo bilowdo Netherlands waxaa ka hortaagan weeraryahanka haatan Memphis Depay uu qaab ciyaareed fiican ku jiro iyo Wout Weghorst, oo amaah ugu soo ciyaaray United 2023, ayaa inta badan ahaa dooqa Koeman ee kursiga keydka. Inkastoo ay taageerayaasha Netherland ku baaqayaan in lagu soo bilaabo xidigaan laakin lama oga in uu macalinka xulka Netherland uu dhageysan doono baaqooda iyo inkale laakin in uu cayaarsiiyo ayey u badan tahey daqiiqado ka mid ah waqtiga cayaarta.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *