Bayern Munich ayaa dhamaystirtay saxiixa Michael Olise kaasi oo ay kala soo wareegeen kooxda Crystal Palace. Xiddiga reer France ayaa soo afjaray seddex sano oo uu ku sugnaa garoonka Selhurst Park, waxaana uu hada ku biirey kooxda Bayern ka dib markii ay ogolaadeen inay bixiyaan 45 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa. Chelsea iyo Manchester United ayaa ka mid ahaa kooxaha kale ee xiisaynayey saxiixa Olise xagaagan, laakiin hadda waxa uu qalinka ku duugay heshiis uu Bayern kula joogi doono. Bayern ayaa ku mashquulsan inay isbedel ku sameyso kooxdeeda koowaad iyagoo rajeynaya inay dib u hantaan horyaalka Bundesliga ka dib markii Bayer Leverkusen ay soo afjartay toban sano oo ay u heysay taajka Jarmalka oo ay iskaga cesh ceshan jirtey.
Waxay u soo jeesteen Premier League oo ay xidigo caan ah xagaagii seddexaad iyagoo horey ula soo saxiixday Sadio Mane Liverpool 2022 ka dibna Harry Kane oo ka yimid Tottenham Hotspur 2023.
Olise waxa uu ku biiray liiska xiddigaha weerarka ka ciyaari doono ee Allianz Arena oo ay ku jiraan Kane, Jamal Musiala, Leroy Sane, Serge Gnabry iyo Kingsley Coman.
Bayern ayaa dhawaan u magacawday Vincent Kompany inuu noqdo macalinkooda cusub ka dib markii ay si weyn u baadi goobayeen macalinkii bedeli lahaa Thomas Tuchel, waxey u soo jeesan doonaan inay xoojiyaan dhinacyada kale inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.
Dhanka kale Palace ayaa haatan wajaheysa dagaal ay ku sii heyso xiddig kale oo ka tirsan kooxdooda kaasi oo ah Eberechi Eze, kaasoo haatan ka maqan England Euro 2024.
Crytal palace ayaa ku kaalinta tobnaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, taas oo qayb weyn ka ahayd dadaalka Olise, Eze iyo weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Jean-Philippe Mateta, halka ay u muuqdeen kuwo dib u soo noqdey oo helay qaab cayaareed fiican ka dib markii Oliver Glasner uu tababarenimada ka bedelay Roy Hodgson bishii Febraayo. Eze oo hada la socda xulka qaranka England ayaa si joogi doonin kooxdaan Palace sida ay qorayaan wargeysyada sababta oo ah qaab cayaareedkisa sare ayaa soo jiidan doono kooxaha waa weyn ee yurub kuwaas oo hada wada qaabeynta dalabyadooda ay u gudbin doonaan Crystal palace.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *