Spain ayaa iska xaadirisay semi-finalka Euro 2024 kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen xulka martida loo ahaa ee Germany kadib waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta.In ka badan 120 daqiiqo ayaa loo baahday si loo kala saaro laba ka mid ah kuwa ugu cadcad tartanka, iyadoo La Roja ay wax yar uun ku dhowdahay tartanka Stuttgart.Kulan adag oo xamaasad leh ayaa lagu bixiyey 16 kaar oo jaale ah iyo hal saxan oo casaan ah ayuu ahaa cayaartii maanta, halka Toni Kroos waayihiisa quruxda badan uu ku soo idlaaday ka dib markii uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee dalkiisa Jarmalka. Wiilasha tababare Luis de la Fuente ee spain ayaa semi-finalka  kulmi doona France Talaadada soo socota.
France ayaa u soo baxday semi-finalka Euro 2024 kadib markii ay rigoorayaal kaga badisay Portugal. Laba ka mid ah kooxihii ugu cuslaa ee tartanka Euro ku hadhay ayaa la kala bixi waayay ka dib markii ay 120 daqiiqo ee cayaarta kubbada cagta ah iyo rekoodhayaal ay go’aamiyeen natiijada kulankooda siddeed dhamaadka ee ka dhacay Hamburg. Joao Felix ayaa ahaa ciyaaryahanka kaliya ee lumiyay rigooradiisa, taasi oo meesha ka saartey rajadii xulka Portugal ay ka qabeen koobkaan iyo waliba xidigii aduunka ee Ronaldo oo aad u rabey in uu koobkaan ku soo gabagabeeyo waa yihiisa kubada cagta, halka xulka qaran fransa ay aad ugu dabaal dageen guushii caawa ay ku gaareen rekoodhayaalka, xulka franse oo aan wali gool dhalin ama laga dhalin ciyaaraha furan dhamaan tartankaan ayaa u soo gudbey semi finalka oo uu la cayaari doono Spain talaadada soo socota.
France ayaa ku hormatey tuurashada rekoodhayaalka waxaana ay dhaliyeen dhamaan shantii rigoodhe ee ay lahaayeen ,halka Joao Felix uu kubadadiisa ay birta ka soo booday, Portugal ayaana ciyaarta sidaas oga harey oo ku macsalaameeyey Euro2024 kaasi oo ka socda dalka Germalka xagaagan.

Portugal - 3 France - 5
Cristiano Ronaldo (dhaliyey) Ousmane Dembele (dhaliyey)
Bernardo Silva (dhaliyey) Youssouf Fofana (dhaliyey)
Joao Felix (qasaariyey) Jules Kounde (dhaliyey)
Nuno Mendes (dhaliyey) Bradley Barcola (dhaliyey)
Theo Hernandez (dhaliyey)

wixii warar ah ee ku saabskan koobkan euro2024 waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ https://www.skysports.com/football






By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *