David Raya ayaa xilli ciyaareedkii 2023/24 amaah ku qaatay kooxda Arsenal iyagoo kaga soo qaatey kooxda Brendford, isagoo u saftay 41 kulan, waxaana uu ku guuleystay Premier League Golden Glove. Arsenal ayaa bixisey £3m amaahdiisa ku siisay kooxda Brentford xagaagii hore, iyadoo ay hada bixiyeen 27 milyan oo dheeri oo ay si rasmi uga iibsadeen lana gaareen heshiis si joogto ah. Waxaa hada mugdi soo galey Mustaqbalka Aaron Ramsdale kaasi oo ay u badan tahey in la xaliyo ka dib Euro hada socda markuu soo dhamaado.
Raya ayaa u sheegay website-ka Arsenal: “Kadib hal sano oo amaah ah oo aan ku qaatay Gunner, waxaan ugu dambeyntii sheegi karaa inaan ahay ciyaaryahan Arsenal ah sanadaha soo socda, waan ku faraxsanahay inaan arko waxa mustaqbalka uu ahaan doono, laakiin mar walba waxaan ku noolahay oo aan ku raaxaysanayaa wakhtiga. wuxuu sii raaciyey hadalkiisa:
"Waa riyo rumowday inaan halkan joogo, waxaana rabaa inaan idiinka mahadceliyo dhammaan taageeradii aad horay ii siiseen sannadkii hore."
Raya wuxuu ku guuleystay Premier League Golden Glove ololihiisii ​​​​ugu horreeyay ee Arsenal, isagoo shabaqa ilaashaday 16 Premier League iyo 20 guud ahaan 41 kulan oo uu saftay. 28-sano jirkaan ayaa ka caawiyay Arsenal inay ku dhameystaan ​​kaalinta labaad ee horyaalka Premier League iyo inay u gudbaan wareega 8da Champions League.
Raya oo hadda Euro 2024 kula jira Spain ayaa hore afar sano ugu soo qaatay Brentford, halkaas oo uu kaga yimid dib markii uu ka soo tagay kooxda Blackburn.
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta oo Raya u soo dalacsiiyay goolhayaha No1 ee Aaron Ramsdale ayaa yiri: “David wuxuu na tusay xilli ciyaareedkii hore waxa uu yahay ciyaaryahan muhiim ah oo uu noo yahay, sidaas darteed waan ku faraxsanahay inuu haatan si rasmi ah u yahay ciyaaryahankeena.
“Isagu waa xidig weyn ee qolkayaga labiska, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sii wadno la shaqeyntiisa.
“Waan ognahay inuu qaadi doono aasaaskii xoogganaa ee uu dhigay xilli ciyaareedkii hore, kuna dhisi doono sanadaha soo socda, iyo inuu nagula raaxaysan doono guulo badan."Waxaan heysanaa koox goolhayeyaal aad u tayo badan, waxaana jeclahay inaan arko isku xirnaanta sida midka aan ku arko qeybtayada goolhayaha."
Edu, agaasimaha ciyaaraha ee Arsenal, ayaa hadalkiisa raaciyay: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dhameystirnay heshiiska David ee Brentford, wuxuu nala qaatay xilli ciyaareed qurux badan. “Waa ciyaaryahan heer caalami ah oo tayo leh, xirfadle weyn iyo shaqsi caan ka ah kooxda, waxaan ka faa’iideysanay dhammaan xilli ciyaareedkii hore intii uu nala joogay amaah ahaan.

wixii warar ah ee ku saabsan suuqa kala iibsiga cayaartooyda waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ https://www.skysports.com/football

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *