Go'aanka Manchester United ee ah inay u dhaqaaqdo Matthijs de Ligt ayaa ka yimid rabitaankooda ah inay la soo saxiixdaan laba daafac dhexe xagaagan, warbaahinta ayaa fahansan, marka lagu daro kala iibsiga suurtagalka ah oo aad uga jaban sidii ay moodayeen suurtagal. Red Devils ayaa horay u diiday saxiixa De Ligt iyadoo ay jirto walaac ku saabsan inta ay Bayern Munich dalbaneyso inay kala tagto xiddiga reer Holland.United ayaa taa beddelka isha ku heysay xidiga Nice's Jean Clair-Todibo iyo Everton Jarrad Branthwaite, iyagoo aaminsan in uu qarashan ay oga bixi doontoo, halka Lille's Leny Yoro, Wolverhampton Wanderers' Max Kilman ayaa sidoo kale xiriir la sameeyeen.Tosin Adarabioyo ayaa ahaa bartilmaameed kale ka dib markii uu si xor ah uga soo tagay Fulham laakiin waxa uu u saxiixay Chelsea bedelkeeda inkastoo United ay isku dayday afduubto.
Sharciga UEFA ayaa ka hor istaagaya Man united in soo qaadato Clair Todibo sababta oo ah lahaanshaha INEOS ee kooxda Nice iyadoo labada kooxoodba ay ka ciyaaraya Europa League, Everton ayaan doonayn in ay aqbasho wax ka yar 70 milyan ginni Branthwaite, halka Yoro uu u muuqda mid ku wajahan yahay Real Madrid,
Wadahadallo rasmi ah ayaa u socda United iyo Bayern oo ku saabsan heshiiska De Ligt, iyadoo kooxda 13-jeer ku guuleysatay Premier League la filayo inay bixiso xirmo la mid ah midkii ay Everton u soo bandhigtay Branthwaite oo aheyd 35 milyan ginni ayaa laga yaabaa inay kor ugu kacdo ilaa £43m iyadoo lagu daray waxyaabo kala duwan. Taasi ayaa keeneysa madaxda United ay dareemayaan in heshiis la samayn doono.
Bayern ayaa raadineysa inay ku hesho adduun dhan £45m (€53m) De Ligt – taasoo calaamad u ah khasaaraha weyn ee ku yimid wixii Juventus laga siiyay July 2022 – laakiin waxay diyaar u yihiin inay iibiyaan iyagoo isku diyaarinaya inay la soo wareegaan daafacyo kale oo lagu soo dhaweynayo macalinkooda cusub Vincent Kompany.
De Ligt, oo qandaraaskiisa seddex sanno uga harsan tahay, ayaa Bayern ka qaata mushaaraad aad u sarreeya, laakiin United ayaa awood u leh inay ku dejiso qaab dhismeedka mushaarka Old Trafford, 24-sano jirkaan ayaa xitaa laga yaabaa inuu dhimo mushaarka. United ayaa doonaysa in ay daafac dhexe oo kale la soo wareegto De Ligt si ay meesha uga saarto bixitaanka Raphael Varane kaas oo keenay in Lisandro Martinez oo dhaawacyo la dhibtoonayay, Harry Maguire, Victor Lindelof iyo 19 jirka Willy Kambwala oo ka soo baxay akadeemiga kaliya ah daafacyada uu heli karo tababare Erik ten Hag.

wixii faafaahin ah ee ku saabsan suuqa kala iibsiga cayaartooyda waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.

https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *