Xul England ayaa  si caajis badan ayaa dib ugu soo laabatay kulankii mucjisada ahaa ee caawa taasi oo nooleeyey rajadooda Euro 2024, iyagoo 2-1 ku garaacay Slovakia ka dib waqtigii dheeriga ahaa ee cayaarta lagu darey.
Ivan Schranz ayaa qeybtii hore ee ciyaarta u dhiibey hogaanka cayaarta ka dib markii uu Slovakia ku dhaliyay guul ay u qalantay ka hor inta uusan Jude Bellingham si qurux badan u dhaliyey goolka labaad ee ciyaarta waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta,halkaas oo Harry Kane uu madax ku dhaliyay goolkii guusha ka dib markii la isla aadey waqtiga extra timeka.Guushu waa guul, si kastaba ha ahaatee, England ayaa haatan la cayaari doono xulka Switzerland waa in isu soo abaabuli karaan qaab ka fiican kii maanta ka hor kulanka ay wareega 8da la leeyihiin Switzerland runtii xulkaa ayaa ka adag Slovakia, waa xulkii xaley Italy ka cirib tirey koobkaan Euro oo ay difaacayeen. waa xul isku xirkiisa iyo weerarkiisaba aad u fiican mana noqon doono kulan fudud waana tijaabo xulka England ay mari doonaan.Runtii xulkaan Switzerland ayaa waxaa dirqi oga baxsadey Germalka oo aaqirsaac bareejo ka helay halka ay italia uba qubeeyeen oo gurigooda u direen waan arki doonaa wixii dhexmaro iyaga iyo xulka england isbuuc ka dib markii uu kulankooda dhaco.
Spain ayaa is ka xaadirisey afar dhamaadka Euro 2024 oo ay la ciyaari doonaan xulka Germany oo marti loogu yahey gurigoodalaakiin ka dib markii ay ka soo gudbeen xulka georgia kulankii caawa oo ay ku garaaceen Georgia 4-1.Xulka Georgia ee tartanka ku soo baxay ayaa si lama filaan ah hogaanka waxaa ugu dhiibay xidigooda Robin Le Normand daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta laakiin Rodri ayaa u barbareeyay lix daqiiqo ka hor dhamaadka qeybta labaad ee ciyaarta, waxaana hogaanka u dhiibay Spain Fabian Ruiz, iyadoo Nico Williams iyo Dani Olmo uu bedel ku soo galay ay u soo dheereyeen hogaanka cayaarta kana dhigey 3-1 ka dibna xul spain ayaa helay goolkii afaraad taasi oo cayaarta ku soo idlaatey 4-1 oo ay ugu soo gudbeen wareega 8aad.
Georgia ayaa ka soo baxday gruubyada, ka dib markii kooxda tababare Willy Sagnol ay soo bandhigtay qaab ciyaareed kale oo xiiso leh oo kubad weerar celis ah si ay ciyaarta uga gaaraan
Spain oo 7-1 ku xasuuqday Georgia ciyaar ka dhacday Tbilisi isreebreebkii koobkaan laakin maanta sheekadaas ma jirin cadaadis xoog leh ayey la yimidaadeen bilowgii ciyaarta, Gool ayaa Williams ayaa laga saaray ka hor inta uusan Aymeric Laporte kubad madax ah ku dhufan. ayadoo goolhaha georgia uu gool cajiib ah ka badbaadiyey Pedri goolal ay Spain sigeen oo aad qatar u ahaa balse taa badalkeeda waxaa si lama filaan ah hogaanka u qabtey cayaarta xulka qaranka Georgia kaas oo ka dhashey weerarkoodii ugu horeeyay ee ciyaarta oo ay qaadeen.

wixii faafaahin ah ee cayaarahaan kala socdo halkaan 24 saac gudahooda.
https://www.footbool.net/ https://www.livescore.com/en/news/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *