Italy ayaa gool barbardhac ah ka heshay Croatia kulankii maanta isniinta taasi oo suura gelisey in xifaaltankooda ugu soo baxaan kaalinta labaad ee Group B ee Euro 2024, iyagoo ku biiray Spain oo iyana ku soo baxdey kaalinta 1aad ee wareega 16ka.
Halyeyga Real Madrid ee Luka Modric ayaa rigoore cajiib ah waxaa ka badbaadiyay Gianluigi Donnarumma laakiin waxa uu daqiiqado ka dib shabaqa ku taabtay gool ku laad si ay ugu soo baxaan mid ka mid ah labada kooxood ee ugu sareysa. Si kastaba ha ahaatee, Mattia Zaccagni ayaa kubad cajiib ah ka dhaliyay koonada sare si uu u xaqiijiyo in Azzurri ay ku dhameysteen afar dhibcood, iyagoo labo dhibcood ka sareeya Croatia.
Modric iyo xulka Croatia ayaa haatan sugaya oo rajo ka qaba in ay ogaadaan in labadooda bar-baro iyo halka guul daro ay soo galeen in aay ku filnaan doonaan in ay wareega 16-ka soo gaadhaan iyaga oo ka mid ah kooxaha ugu fiican ee ku soo baxay kaalinta 3-aad iyada oo kooxda Zlatko Dalic ay haatan ku tiirsan rajadooda natiijada soo socoto ee kooxaha haray.
Xulka qaranka Croatia ayaa garoonka Leipzig ku wajahay xulka qaranka Italy halka Spain oo si wayn ugu soo baxday Group B ay ku garaacday Albania garoonka Dusseldorf Arena.Qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid caajis ku bilaabatey ayaa dhexmartay Croatia iyo Italy laakin qaybtii labaad ee ciyaarta markii Modric uu arkay rigoore uu ka badbaadiyay Donnarumma ayaa xiddiga Madrid ayaa ku sii jiray dadaal dheeri ah oo uu gool ku keeno waxaa u sooro gashey ka dib markii uu goolhaya Paris Saint-Germain kubbada qurux badan ka dhaliyey goolkii ay hogaanka cayaarta ku qabteen.
La Roja ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Ferran Torres daqiiqadii 13-aad iyadoo Luis de la Fuente uu doortay inuu nasiyo ciyaartoydii hore sida Pedri, Nico Williams, Lamine Yamal iyo Fabian Ruiz iyo kuwo kale.
Xulka Albania ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta soo fiicnaaday iyaga oo u tafa-xaytay sidii ay tartankooda u sii noolaan lahaayeen, halka Italy ay culayska saartay isku day ay ku doonaysay in ay bar-baraha uga dhigto kana fogaato in ay ku tiirsanaato in ay ka mid noqdaan xulalka kaalinta 3-aad ugu fiican ee u soo baxay wareega 16-ka. Spain oo ku guuleysatey cayaartii, Halka xulka Talyaaniga goolkii Gianluca Scamacca oo bedel ku soo galay ayaa si aad ah ugu dhawaaday inuu la yimaado goolka barbaraha daqiiqadii 87aad, lakiin waxa ka faaideysan waayay Federico Chiesa oo kubad joog hoose ah ku helay goolka.
Si kastaba ha ahaatee, goolkii bar baraha ayaa ugu dambeyntii yimid waqti dheeri ah markii Riccardo Calafiori uu horay u soo waday kubada oo uu helay Zaccagni, kaasoo darbo uu ka toogtay geeska kore ee goolka taasi oo jebisey wadnaha Croatia.

wixii warar ah ee ku saabasan koobka euro 2024 waxaad kala socon kartaan wargeyskeena si maalin le ah inta uu koobkaan socdo.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *