Riyada Scotland ee Euro 2024 ayaa si cajiib ah u soo idlaatay kadib markii ay guuldaro 1-0 ah kala kulmeen Hungary.Kooxda Steve Clarke waxay awoodi waayeen inay qoraan taariikh, taas bedelkeedana waxay ku qasbanaadeen inay la kulmaan xaalad aad niyad jab uga qaadeen kulankii xaley, ka dib markii ay mar kale ku guuldareysteen inay ka soo baxaan wareega group-yada ee tartan weyn sida Euro ah. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Scott McTominay ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda lagu qasbay inay dareemaan qalbijabka ka ka hadlo isagoo awoodi waayay inuu saameyn ku yeesho kulankii  xaley ee xulkii Marco Rossi ee Hungary.Scots-ka ayaa u muuqday mid ciyaarta ku soo gabagabeynayay barbaro 0-0 ah, iyagoo riyadoodii Yurub sii nooleeyd- iyadoo caato ah, ilaa uu daqiiqadii 100aad gool u dhaliyay Kevin Csoboth uu burburiyay fursada ay ugu soo bixi kareen kaalinta 3-aad.
McTominay ayaa dhaliyey goolkii ugu dambeeyay ee Scotland markii ay la ciyaareen Switzerland, ayaa kulankaan awoodi waayay inuu shabaqa soo taabto. Wax yar oo saameyn ah kuma yeelan garoonka, halka kooxdiisu ay ku guuldareysatay in ay hal darbo isku diwaangeliso qeybtii hore ee ciyaarta, umana ekayn kubadsameeyaha kalsoonida badan ee inta badan xirta shaadhka Red Devils.
Laacibka ayaa si kastaba ha ahaatee, la siiyay jaalihiisii ​​labaad kulankii Hungary, taasoo la micno ah haddii kooxdiisu ay u soo bixi lahayd inay la'aantisa ahaan lahayd wareega 16ka oo uu ka ku maqnaan lahaa ganaax labo jaale ah.
Inkastoo uu ku guuldareystay inuu wacdaro ka dhigo kulankii ugu dambeeyay ee Scotland, McTominay wuxuu awooday inuu ciyaaro daqiiqad kasta oo ka mid ah kulamada dalkiisa, waxaana uu ahaa ninka kaliya ee Scots-ka ah ee gool ka dhaliyay Germany.
Scotland ayaa goor hore ka hartay tartankaan iyadoo seerigii ugu dambeeyay uu ka dhacay Stuttgart - iyadoo kooxdu ay fadhiso halka ugu hooseysa Group A iyagoo leh hal dhibic oo kaliya. Dhanka kale, reer Hungary ayaa sugi doona natiijooyinka kooxaha kale tartanka, iyagoo ku tiirsanan doono natiijooyinka kulamada kale si ay u dammaanad qaadaan booskooda wareega 16ka.

wixii warar ah kala socda halkaan maalin kasta iyagoo faafaahsan oo waliba la soo koobey muhiimadooda.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *