Xulka qaranka Portugal ayaa si dhib yar uga soo gudbey xulka qaranka Turkey si ay u xirtaan ​​booskooda wareega 16ka ee Euro 2024 kulankii galabta.
Goolal ay kala dhaliyeen Bernardo Silva, Bruno Fernandes iyo gool majaajillo ah oo uu iska dhaliyay Samet Akaydin ayaa Portugal ka dhigay bayaan 3-0 ah oo ay ku garaaceen kooxda tayada leh ee Turkiga garoonka Signal Iduna Park. Guusha ayaa ka dhigan in kooxda Roberto Martinez wato ee Portugal ay hogaanka u hayso Group F iyadoo hal kulan uu ka harsan yahay wareega group-yada.
Turkiga ayaa heystay taagerayaal aad u badan oo ahaa turki badan oo germanka degan ayaa soo buux dhaafshey garoonka Signal Iduna Park taasi oo ka dhigtey mid aad u xamaasad badan garoonka gudahiisa iyo banaankaba, Turkiga ayaa ciyaarta ku soo bilaabay dardar xoogan, waxey ku sikteen in hal gool dhaliyaan shantii daqiiqo ee ugu horeysay ee cayaarta.
kooxda Portugual ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 20-aad waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Bernardo Silva. Ciyaaryahanka khadka dhexe ka ciyaara ayaa dhaliyay goolkiisii ​​​​ugu horeysay ee tartan caalami ah, isagoo cagtiisa ku duuduubay karoos ka yimid Nuno Mendes si uu kubada ugu dhex dhigo koonaha midig ee shabaqa. Siddeed daqiiqo uun ay xaaladu ku sii xumaatay ka dib markii ay dhacdey masiibo difaac taasi oo qalad ku galeen xariigta ganaaxa taasi oo siisey Portugal goolkii labaad ama rigoore. Xulka qaranka Portugal ayaa halkooda kasii waday ciyaarta qaybti danbe ee ciyaarta iyaga oo ka faa’iidaysanayay in ay iska caabin la aanta Turkiga, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3-0 ay Portugal ku hogaaminayso. Cristiano Ronaldo, oo uu ka garab ciyaaray Zeki Celik oo u muuqday mid hurday, ayaa si nadiif ah ugu dhex orday goolka ka hor inta uusan ku dhigin Bruno Fernandes oo uu si fudud u taabtay shaqa.

wixii wara ah ee ku saabsan kala socda halkaan maalin kasta oo ku saabsank koobka euro 2024.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *