Xulkii Euraha 2024 ee Croatia ayaa ku jira jahwareer ka dib markii laga dhaliyay daqiiqadii 95aad goolkii barbaraha ee Albania maalintii labaad,halyeeyga khadka dhexe Luka Modric ayaa ka fariisan doono cayaaraha qaramada Euro 2024 ka dib balse wuxuu rabaa in uu ku soo afjaro guulo uu gaarsiiyo qarankiisa.
Kooxda xulka Albania ayaa u muuqatay in ay sameeyeen wax kasta si ay u helaan guushii soo laabashad aheyd ka dib guuldaradii foosha xumayd ee ka soo gaartay Spain afar maalmood ka hor markii Andrej Kramaric uu kansalay goolkii furitaanka ee Albania, ka dibna uu si deg deg ah u dhaliyay goolka labaad ee ricochet ee Klaus Gjasula oo ahaa gool uu iska dhaliyey own goal Laakiin Gjasula oo noqday geesiga Albanian wakhtiga dhimashada markii uu soo galay diilinta ganaaxa si uu u jebiyo qalbiyada Croatia isla markaana uu dhaliyey goolkii barbaraha cayaarta ka dhigey Albania ayaa kulankoodi sadexaad la cayaari doonto xulka Spain horraanta todobaadka soo socda. Hal dhibic oo kaliya ay heleen laba ciyaarood, iney guul ka gaaraan kulankaas ayaa ku filnaan doonta in ay gaaraan heerka knockout. Croatia xitaa way ka gudbi kartaa haddii ay ka soo garaacaan italia kulankooda soo socda oo ay la cayaari doonaan.
Qeybtii hore ee cayaarta waxaa gool u dhaliyay ciyaaryahan Qazim Laci,waxana hogaanka u dhiibay Albania daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta. Waxa ay xitaa iska lumiyeen dhawr fursadood oo ay hogaanka ku sii dheeraysan karaan ka hor inta aan la aadin qaybta nasashada. Marxaladdaas, Modric waxa uu ku dhibtooday in uu ciyaarta maamulo, inkastoo uu sameeyay tiro-koob baas oo cajiib ah. Ciyaaryahanka Manchester City ee Mateo Kovacic ayaa muddo yar oo cadaadis ah saarnaa, laakiin mar kale kuma lug yeelan in uu wax saameyn ah ku yeesho cayaarta.
Labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee ku guuleystay Champions League ayaa si wanaagsan ku bilowday qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Croatia ay ugu dambeyntii diwaangelisay kubad uu goolka ku dhaliyay Luka Sucic.
Josko Gvardiol oo City ka tirsan ayaa dhexda u soo galayay kubbada uu u dhiibay xidigaha Croatia, waxayna taasi ka caawisay in ay kubbada deg deg ah u wadaan horey oo weerarka caawiyaan khadkooda dhexe, in kasta oo ay wali ku tiirsan ay nasiib u jeelan in ay cayaartii maanta guusha qaataan oo ay difaacdaan labadii gool ay deg degta ku dhaliyeen markii ay 74 iyo 76 daqiiqad taasi ayaa laga diiday oo Albania heshay goolkii bareejada daqiiqadii 95aad ee cayaarta taasi oo rajad Croatia god ku ridey caawa.
wixii cayaaro ah ee kala socda halkaan maalin kasta koobkaan Euro2024 ee ka socda dalka Germalka.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *