Manchester United ayaa diyaar u ah inay isaga harto baacsiga ay ugu jirto cayaaryahanka kooxda Everton ee Jarrad Branthwaite oo ay dareenkeeda u soo jeediso Marc Guehi oo ka tirsan Crystal Palace. Red Devils ayaa diyaar u ah inay dib ugu  celiso Cyrsata palace daafacoodi hore ee garabka midig ee Aaron Wan-Bissaka si uu miisaan ugu yeesho heshiiska.
Liverpool ayaa diyaar u ah in ay sare u qaado xiisaha ay u qabto daafaca Lille Leny Yoro kaas oo ay sidoo kale waxaa doonaya xidigaan kooxaha kala ah Manchester United iyo Real Madrid waxaa kale oo Real madrid lala xariirinayaa Daafaca dhexe ee ka tirsan kooxda Tottenham ee Cristian Romero, laakiin Tottenham Hotspur ayaan xiiseyneynin inay iska iibiso xiddiga heerka caalami ee u dhashey dalka Argentina.
Arsenal ayaa sheegtey in aysan diyaar u aheyn inay bixiso wax ka badan 63 milyan ginni si ay Victor Osimhen ugala soo wareegto Napoli xagaagan. Qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa ayaa ah ugu yaraan £100m.Dhanka kale weeraryahanada Arsenal ee kala Eddie Nketiah iyo Emile Smith Rowe ayaa ka fikiraya mustaqbalkooda kooxda ka dib hoos u dhac ku yimid waqtiga ciyaarta.
Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay iska iibiso Mykhailo Mudryk, iyadoo Blues ay dooneyso inay lasoo wareegto Michael Olise suuqan.Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa ku guuldareysatay dalab 34 milyan ginni ah oo ay ku dooneysay Samu Omorodion oo kaga yimid Atletico Madrid, kuwaas oo aaminsan inay qiimo sare ku iibin karaan weeraryahanka labada sano ee soo socota.
Manchester City ayaa waxaa soo jiitay daafaca kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori, kaasoo wacdaro ka dhigay xulkiisa Italy ciyaartii Euro 2024 ay sabtidii la ciyaareen Albania.
Barcelona ayaa todobaadka soo socda la kulmi doonta wakiilada Luis Diaz si ay ugala hadlaan suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo xiddiga garabka ka ciyaara uu diyaar u yahay inuu ka tago Liverpool.Dhanka kale, xidiga garabka ka cayaara ee Barcelona Lamine Yamal ayaa shaaca ka qaaday inuu qalqaalin doono saaxiibkiisa reer Spain Nico Williams si uu ugu biiro Catalonia xilli ciyaareedka soo socda. Qandaraaska ciyaarahankaan ee Williams ayaa lagu burburin karaa €50m oo lagu heli karaa.

wixii warar ah ee ku saabsan suuqa kala iibsiga cayaartooyda kubada cagta waxaad kala socon kartaan webkeenka si maalinle ah.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *