Goolkii cajiibka ahaa ee uu dhaliyay Arda Guler ayaa muujiyey xidignimadiisa kulankii caawaviyadoo Turkey ay 3-1 kaga badisay Georgia kulankoodii ugu horeeyay ee Euro 2024. Da’yarka Real Madrid ayaa kubad uu ka soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa qeybtii danbe ee ciyaarta waxa ay noqotay waqtigii loogu baahi badnaa goolkaasa oo cayaarta ka dhigey 2-1 oo turkiga cayaarta hogaankeena ku qabatey.kubadtaas goolka noqotey oo oo aheyd mid aad u tayo badan isla markaana xusuus mudan.
Turkiga ayaa birta ku garaacay Kaan Ayhan toban daqiiqo gudaheed iyagoo raadinayay inay helaan gool ay cayaarta hogaanka ugu qabtaan laakiin Georgia ma aysan jiifan oo waxay si deg deg ah u xasuusisay Yurub inay halkan u yimaadeen inay guuleystaan.
Goolhayaha reer Georgia ee Giorgi Mamardashvili, oo lagu soo waramayo inuu bartilmaameed u ahaa Newcastle United, ayaa caawa soo bandhigey tayadiisa isagoo sameeyey dhowr badbaadin oo aad u wanaagsan, laakiin ma jirin wax uu ka qaban karo goolkii ka dhashey daqiiqadii 25aad ee cayaarta.
Kubbad uu soo karoosay Ferdi Kadioglu ayaa u muuqatay mid uu ka saaray khadka dambe ee Georgia, laakiin waxa ay ku dhacday cagihii Mert Muldur, kaas oo kubbada la soo booday uu kor ugu kacay.VAR ayaa meesha ka saartay gool degdeg ah oo uu dhaliyay Kenan Yildiz. Georgia waxay heshay fursad ay gool ku dhalin kartey. Giorgi Kochorashvili ayaa birta ku dhuftay, dabkana sii dhimanaya, waxa uu isku dayay dadaal aan fiicneyn iyadoo minnows laga tagay iyagoo su'aal ka keenaya sida ay ugu guuldareysteen inay iney si fiican u cayaaraan kulankaan xiisaha leh.

weerarkii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxa ay Georgia ku garaacday birta oo ay daawato dadaal ay xariiqda ka saartay, isku dayo ay ku doonayeen in ay ku helaan goolka barbaraha ayaa ugu dambayn wuxuu turkiga sii dheereysta hogaankii cayaarta isagoo dhaliyey goolkii saddexaad.
Markii uu Mamardashvili kubad koorne ah soo qaaday daqiiqadii 97aad, Kerem Akturkoglu ayaa gabi ahaanba kaligiis ku helay kubada madaxa oo uu ku taabtey shabaq maran oo uu saddex dhibcood ku hubsaday malaha kulankii ugu fiicnaa tartanka ilaa haaatan Turkiga ayadoo cayaarta ku soo dhamaatey 3-1 oo ay guusha ku raacdey turkiga ayagaa la cayaari doono Portugal iyo TJEK Republic oo ay isku guruub yihin guushaan aad ayey muhiim ugu tahay marka loo fiiriyo gruupkooda.

wixii warar ah ee ku saabsan koobkaan Euraha kala socda halkaan iyagoo faah faahsan.

https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *