Macalinka England Gareth Southgate ayaa waxaa haysta cadaadis aad u weyn oo uu ku aadan safkiisa xulka England waxaana sabab u ah xidigo badan oo uu haysto oo dhamantood raba in ay wada cayaaraan. inkastoo uu xaley ku soo galey shax aad u liidatey taasi oo keentay niyad jabka ka yimaadda taageerayaasha kadib markii uu xulka England si cariiri oo aad u dhib badan ay kaga badiyeen xulkii Serbia 1-0 kulankii maalintii axada ee shaley dhacey. isagoo xaley ku soo galey garoonka shax weerar u badan wuxuu ku bilowdey afar ka mid ah xidiga kubada cagta maanta ugu sareeyo dhanka weerarka Harry Kane, Phil Foden, Jude Bellingham iyo Bukayo Saka afartaan xidig oo ka mid ah laacibiinta ugu qiimaha badan kubadda cagta adduunka ee maanta la joogo ayaa waxaa xulka England hal mar oo kaliya goolka Serbia tagey waxayna inta badan ee ciyaarta ku qaadatay in ay u cayaaraan difaac ahaan.

Taageerayaal badan ayaa dhaleeceeyay qaabka ay Southgate ku socdo, halka macalinka Manchester United Erik Erik hag uu isna u adeegsaday muuqaalkiisa ciyaaraha si uu su’aal uga keeno qaabka England ay xaley ku soo gashey garoonka markii ay saxaafada shaley wax ka weydiiyeen macalint united ee cayaarta falanqeynayey. Qayb wayn oo kamid ah dhaliilaha loo jeedinayo ayaa waxaa loo jeediyay laacibka foden, kaasoo loo magacaabay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiicnaa xili ciyaareedkan Premier League ee sanadkii hore maadaama uu dhaliyey 19 gool iyo 8 caawin ah uu Manchester City ku qaadey horyaalka premier league sanadkaan 2024. Hase ahaatee laacibkii hore ee qadka dhexe ee arsenal iyo chelsea Cesc Fabregas ayaa soo jeediyay in Foden ay tahay inuu qaado masuuliyada qaab ciyaareedkiisa liitey ee xaley halkii uu u ogolaan lahaa in la dhaleeceeyo xeeladaha macalinkiisi southgate ku soo shirtagey. ” Cayaartoyda heerkaan iyo kartidan leh xataa uma baahna in macalinku u sheego waxa uu sameynayo. “Waxa uu u baahan yahay in ay ka badan inta kale ay u baahan yihiin, waana qasab in uu shakhsiyadiisa dib u soo ceshado.”

wixii warar ah ee ku saabsan cayaaraha koobkaan waxaad kala socon kartaan halkaan maalin walba iyo daqiiqad iyagoo tafatiran.

Wargeyska sports footbool.net

Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *