6. Kevin De Bruyne Xiddigaha Belguim ee soo aadey Germanka cid kale ma noqon doono marka laga reebo xiddiga Man City ee Kevin De Bruyne oo ah shaqsi runtii aan la badali karin.
Qaranku waxa uu awood u leeyahay in uu meel fog ka gaadho tartanka,waxana uu ku tashan doonaa dedaalka khadka dhexe uu ugu jiro in uu hore u sii wado kubada. De Bruyne waxa uu leeyahay karti uu ku badiyo kulan kasta,waxana uu ka caawin karaa in uu si fiican uga faa’iidaysto saddexda weerar ee hore ee Leandro Trossard, Romelu Lukaku iyo Jeremy Doku. 7. Josko Gvardiol.Dad badan ma aaminsan in Croatia yihiin kuwa ugu cadcad koobka Qaramada Yurub, laakiin awooda daafaca ee Josko Gvardiol ayaa muhiim u ah kooxda hadii ay doonayaan inay guulo gaaraan.Indhaha oo dhan ayaa laga yaabaa in ay ku sii jeedaan xiddiga Real Madrid ee Luka Modric ee Germany, laakiin Gvardiol ayaa u qalma in fiiro gaar ah loo yeesho. Dadaalkiisii ​​cajiibka ahaa ee uu ka garab taagnaa Dejan Lovren ayaa Croatia u horseeday semi-finalka koobka adduunka 2022 bisaylkiisa garoonka dhexdiisa ayaa muuqda.Waxa uu sidoo kale awood u leeyahay weerarka, isagoo shan gool u diiwaan geliyay isagoo xiran funaanada City xilli ciyaareedkii hore. 8. Rasmus Hojlund Rasmus Hojlund ayaa shaki la’aan ka dhex muuqan doona xulka Denmark, iyadoo kooxda aan la filayn inay aado Jarmalka ayey ku soo baxeen si cajiib ah,
Goolasha waxaa ka imaan doona xiddiga Man Utd ee Hojlund asxaabtiisuna waxay eegi doonaan da’yarka si uu horay ugu sii wado. Hojlund goolkii uu ka dhaliyay Finland isreebreebka Euro wuxuu ahaa mid cajiib ah, waxaana uu jeclaan lahaa inuu ku celiyo guushaas.
Hojlund ayaa sidoo kale ka garan cayaari doona saaxiibkiis Christian Eriksen, isagoo noqonaya xidig da yar ee hadan wacdaraha ka dhigi doono kooxdiisa inta garoonka lagu jiro. 9. Diogo Jota Xidiga kale ee xoojin doonta xulka Portugal waa Diogo Jota oo Liverpool u ciyaara waa weeraryahan la isku halayn karo. Jota ayaa heysta dhibic uu ku caddeeyo tartankaan, ka dib markii uu waqtiyo badan ku seegay dalkiisa sababo la xiriira dhaawac. Waxa lagu daray xiddigaha tayada leh ee kooxda Roberto Martinez waxana uu rajaynayaa in uu khibrad u keeno kooxda.
Dhaawaca Jota ayaa laga yaabaa inay ku sii hayaan kursiga keydka dhawaan, laakiin xiddiga Reds ayaa hubaal ah inuu diyaar u yahay inuu u soo baxo Germany. 10. Romelu Lukaku Nolosha kubada cagta ma fududa Romelu Lukaku dhawaanahan, laakiin cayaaraha caalamiga ah ayaa had iyo jeer ahayd halka uu weeraryahanka ka soo iftiimo.
Waxa uu hal xilli ciyaareed amaah kaga soo qaatay Chelsea kooxda Roma, halkaas oo uu ku dhaliyay 21 gool 47 kulan oo uu u saftay kooxda. Xulka Belgium, Lukaku ayaa u saftay 115 kulan, waxaana uu u dhaliyay 85 gool. Waxa la siin doonaa fursad uu kaga garab dagaalamo xulkiisa adag ee Belgium, isaga oo isku xidhaya xidigaha ay ka mid yihiin Leandro Trossard iyo Jeremy Doku si uu u abuuro safka hore ee awooda badan.

wixii warar ah ee ku saabsan tartankaan Euro 2024 waxaad si joogta ugula socon doontaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News,









By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *