Enzo Maresca ayaa qarka u saaran inuu bedelo Mauricio Pochettino oo ah tababaraha Chelsea. 44-sano jir Talyaani ah ayaa ka tagaya Leicester ka dib markii uu ku soo hogaamiyay in ay u soo  dalacaan Premier League isagoo kula soo guuleystay Championship.  Maresca ayaa laga door bidey shaqadaan tababarenimo kuwaas wada xiisaynayeen Thomas Frank, Roberto De Zerbi iyo Kieran McKenna.
Chelsea ayaa lagu wadaa inay xaqiijiso Enzo Maresca inuu yahay macalinkooda cusub maanta Isniinta ah. 44-sano jirkaan oo bedelaya Mauricio Pochettino ee Stamford Bridge, ayaa ogolaaday heshiis shan sano ah, wuxuuna soo macsalaameyn doonaa Leicester ka dib markii uu dib ugu sanadka ka dib ku soo celiyay Premier League isagoo ku guuleystay Championship markiisi ugu horeysay.
Maresca ayaa ahaa dooqa 1-aad ee Chelsea ka dib markii uu ku soo baxay liis ay ku jiraan tababaraha Brentford Thomas Frank, maamulaha Ipswich Kieran McKenna iyo kan Brighton Roberto De Zerbi.
Qiimaha lagu burburin karo qandaraaska tababaraha Talyaaniga ee King Power Stadium ayaa la fahamsan yahay inuu u dhexeeyay 8 ilaa 10 milyan ginni.
Maresca ayaa lix xubnood oo ka tirsan shaqaalihiisa iyo caawiyayaashiisa ka kaxaysanaya Leicester isaga oo uu ku jiro goolhayihii hore ee Chelsea Willy Cabellero.
Agaasimayaasha isboorti ee Chelsea Paul Winstanley iyo Laurence Stewart ayaa hogaaminayay heshiisakan ka dib markii ay aaminaad ka heleen milkiilayaasha Behdad Eghbali iyo Todd Boehly. Waxay u safreen Marbella si ay wadahadalo fool ka fool ah ula yeeshaan Maresca ka dib markii Leicester ay siisay ogolaansho in wada hadalku bilaabmo.
Chelsea ayaa aad ula dhacsan shaqada iyo baaxadda aqoonta uu Maresca u leeyahay kooxdooda markii uu wadahadalo la yeeshay wakiiladiisa, iyo sidoo kale sida uu diirada u saaray qaabka ay Chelsea u ciyaareyso iyo rabitaankiisa shaqada.
Maresca oo ku waalnaa kubad haysashada iyo booska boosaska ayaa ka dhigtay inuu noqdo musharaxa ugu horeeya ee bedelaya Pochettino, kaasoo ku tagaya ogolaansho labada dhinac ah.
Mudada qandaraaska ayaa ka tarjumaya in Chelsea ay diiradda saarayso sidii ay kooxda ugu soo celin lahayd guulo mustaqbalka fog ah oo ay soo afjarto wax walba oo mustaqbalka ah ee ku saabsan cusbooneysiinta.
Khabiirada ka faalooda cayaaraha  ee Chelsea ayaa aaminsan in tababaraha cusub uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee ka saari lahaa jahwareerka tababarenimo asagana ayaa ku  haboonaato qaab dhismeedka cusub ee casriga ah ee ay ka dhiseen kooxda.
Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa filaya inay xagaagan ku mashquusho suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyadoo ay soo baxayaan kuna socdaan.                                                                        Suuqa kala iibsiga xagaagan waxay uga badan yihiin in ay la soo  saxiixdaan No 9 cusub iyo daafaca dhexe, halka mustaqbalka kuwa dakhligoodu sarreeyo ee naadiga joogo hada sida Romelu Lukaku iyo Kepa Arrizabalaga ay u baahan yihiin in la iibiyo.

wixii warar ah ee ku saabsan cayaaraha kubada cagta kala socda halkaan.https://www.footbool.net/ https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *