Man Utd waxay dejisay qorshe isku beddelasho ah oo Felix ah , Barcelona oo diyaar u ah dalabka Diaz.
Hadalka Rodrygo ee ku saabsan mustaqbalkiisa Real Madrid ayaa dhaliyay dagaal suuqa kala iibsiga ah oo u dhexeeya kooxaha Arsenal, Liverpool, Manchester City iyo Manchester United, kuwaas oo dhamaantood diyaarinaya dalabyo ay ku doonayaan xiddiga reer Brazil.Saraakiisha Real Madrid ayaan la dhacsanayn wareysiga Rodrygo.
Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ka caga jiidaya inuu ku bedesho weeraryahankiisa Victor Osimhen oo uu kaga bedelo Romelu Lukaku  Chelsea ah, iyadoo oo uu ku diidaayo mushaarkiisa badan iyo dhaawacyada badan ee soo gaaro xidiga reer Belgian. Waana labada dhibaato ee ugu weyn uu ku qabo Serie A.
Bayern Munich ayaa xoog u raadinaysa ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah,waxana la arkayay xiddiga Crystal Palace Adam Wharton oo soo indha-indheeyaal u soo direen.
Arne Slot ayaa doonaya in Liverpool ay la soo wareegto weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins si uu ugu noqdo bedelka Darwin Nunez.
Barcelona ayaa doonaysa in ay samayso saxiix wayn xagaagan waxana ay qorshaysatay in ay la soo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool ee Luis Diaz ama xiddiga Athletic Club ee Nico Williams. Waxaa suurtogal ah inuu ka tago Barcelona weeraryahan Vitor Roque, kaasoo madaxda kooxda ay doonayaan inay amaah ugu diraan koox weyn oo Yurub ah. 
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso weeraryahanka Bologna ee Joshua Zirkzee iyada oo laga cabsi qabo in Bayern Munich ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Holland. 
Manchester City ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Werder Bremen Michael Zetterer iyadoo labada kooxood ay xiiseynayaan in ay ku bedeshaan mid ka mid ah Ederson iyo Stefan Ortega.
Ka dib bixitaankii Erik Lamela, Sevilla ayaa raadineysa inay la soo wareegto xiddig kale oo Tottenham Hotspur ah, waxayna dhowaan la soo xiriireen ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Bryan Gil.
wixii warar ah ee ku saabsan cayaaraha hoyraalada ugu waa weyn aduunka gaar ahaan europe  kala socda halkaan.

https://www.facebook.com/  https://www.footbool.net/ 
 
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *