Tartanka Cayaaraha gobolada Dowlada Deegaanka Soomalida ayaa si xamaasad kulul oga socda magaalada caasimada ah ee Jig jiga taasi oo marti gelineysa dhamaan gobolada uu ka kooban yahey dowlada deegaanka kuwii ku soo baxey cayaaraha kubada cagta.

kulamadii shalay dhacey waxey u dhaxeeyeen xulal kala ah Jarar iyo faafan, Jarar Maanta Waxa Ay Soo Bandhigtay Kubad Indho Qabad Leh Waxeyna ku badiyeen 2-0.

waxaa kaloo kulan xiiso leh dhex marey labada xul ee kala ah Nogob iyo Doolo, waxaan 1-0 guusha ku raacdey kooxdii nogob oo kubad fiican cayaartey inkastoo labada kooxoodba ay cayareen cayaar heerkeeda aad u sareeyo hadana waxaa nasiibka raacey kooxdii reer Nogob. Kooxaha Nogob,Jarar,Faafan iyo Doollo ayaa min 3 dhibcood haysta kulamada sadexaad ee tartanka ayaase lagu kala bixi doonaa. Nogob iyo Jarar guul daraystayaashii ciyaarihii hore ee tartanka maanta waa wada guulaysateen. guruubkaan ayaana ugu adag gruubada, waa gruubkii geerida

dhanka kale xulka jarar ayey waxey wataan laba xidig oo aad caan ugu ah kubada cagta gayiga somalida degto ee geeska afrika, waa Cabdi xaafid oo ku jira xulka 21 jirada somalia kaasi oo shaley ku guuleystay man of the match ka dib markii uu soo bandhigey kubad cajiib ah kulana guuleystay kooxdiisa, xidiga kale waxaa la yiraahdaa Xasaasi waana xidig ka dheela khadka dhexe oo kubada cagta aad tayadiisa u sareeyo marka waxaa laga baqaayaa in xulkaan uu qaado ama uu tago ilaa Finalka koobkaan.

wixii warar ah ee ku soo saabsan horyaalkaa waxaan idinku soo gubdin doonaa halakaan https://www.footbool.net/ https://www.facebook.com

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *