Barcelona ayaa xaqiijisay in Hansi Flick loo magacaabay macalinkeeda cusub isagoo qalinka ku duugay heshiis labo sano ah, maalmo uun ka dib markii ay go’aansadeen inay shaqada ka saaran halyeygoodi hore ee kooxda Xavi.
Xavi oo bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu go'aansaday inuu iska casilo xilka tababaro nimada dhamaadka xilli ciyaareedkan, Xavi ayaa dib u dhigay qorshahan ka dib markii uu qaab ciyaareedkiisii ​​ugu dambeeyay ee xili cayaareedkaan uu  soo bandhigay ahaa mid soo jiidasho leh. Si kastaba ha ahaatee, tallaabo naxdin leh ay Barca ayaa go'aansatay inay ceyriso isaga iyada oo aan loo eegin arintaas.
Intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii hore ilaa kala bar ayey u muuqatay in Xavi uu iskiis uga tagayo kooxda Barcelona ayaa si weyn loola xiriirinayay Flick, waxaana ay haatan ku dhawaaqeen inuu kooxda yimid. Flick ayaa shaqo la'aan ahaa tan iyo Sebtembar 2023, markaasoo xulka Jarmalku shaqada ka ceyriyay ka dib qaab ciyaareedkii xumaa ee uu soo bandhigey xulka intii ay socatey Euro 2024 ee dalkiisa. Waxaa sidoo kale lagu reebay heerka guruubyada ee Koobka Adduunka ee FIFA 2022, iyadoo Flick uu badiyay kaliya 12 ka mid ah 25-kii kulan ee uu hoggaanka u hayay xulka qaranka germalka.
Si kastaba ha ahaatee, Flick ayaa ku riyaaqay guul weyn oo uu soo maamulay Bayern Munich ka hor inta uusan qaban shaqada xulka qaranka Jarmalka. Laga soo bilaabo Noofambar 2019 ilaa Juun 2021, Flick wuxuu ku guuleystay laba koob oo Bundesliga ah, hal Champions League iyo afar koob oo kale gudaha wadanka germany.
Kooxdii uu Flick maamulaye ee Bayern ayaa caan ku aheyd qaab cayaareed  cajiib ah kaasi loo la mid ahaa qaab ciyaareed kii kooxda Barcelona caanka ku aheyd ee 'tiki-taka', waxayna ku cayaareen kulankii aan barcelon ilaawi doonin waligood kaasi oo 8-2 ​​ku garaaceen Barca iyagoo u socda hanashada Champions League 2020.
In kasta oo imaatinka Flick ee Barcelona ay saxafada Catalan ka heshay yididiilo, Xavi ayaa digniin uga tagay bedelkiisa isagoo yiri sida tan ” Waa inay ogaadaan inay ku jiraan xaalad adag, sababtoo ah Barca waa koox adag, waxaana sidoo kale jirta xaalad dhaqaale oo xun - ma fududaan doonto gabi ahaanba," Xavi ayaa u sheegay saxaafada maanta. Isago halkiisa sii wata ayaa yiri sida tan "Wuu ku dhibtoon doonaa, tani waa meel aad u dhib badan in la joogo."
 
Wixii warar ah kala soco halkaan oo ku saabsan kubada cagta horyaalada ugu waa weyn aduunka iyo suuqa kala iibsiga cayartoyda.
 https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/ 
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *