Champions League ayaa dib u habeyn weyn lagu sameeyay ka hor xilli ciyaareedka 2024/25 kaas oo la arkayay tirada kulamada qaabka cusub ay kor ugu kaceen ayago ahaa 125 ilaa 189 kulan.
Wajiga kowaad ee cayaarahaan championka league, waxa uu hadda dhamaan doonaa dhamaadka bisha January halkii uu ahaan jiray bisha December, waxaa kaloo jiri doonaan todobaadyo si gaar ah loogu go'aamin doono tartanka champions League ee jadwalka kubada cagta marka aan la ciyaarin tartamada kale ee yurub.
Kooxda guuleysata ayaa ciyaaraya 17 kulan oo tartamada oo dhan ah, halka kulamada la ciyaarayo Talaadada, Arbacada iyo Khamiista ee tartanka kooxaha heerka koowaad ee Yurub ay noqon doonaan kuwa cusub oo caadi ah.

Ugu yaraan 10 ka mid ah 36-da kooxood ee xilli ciyaareedka soo socda ee ka qayb galaya wajiga cusub ee horyaalka ayaa ka kala iman doona Italy iyo Germany.
Marka laga soo tago tirada guud ee kooxaha 32 ahaa oo hada laga dhigey 36 ee ka qeyb galaya Champions League, isbeddelka ugu weyn ee la arki doono waa isbeddelka heerka caadiga ah ee heerka group-yada una gudbi doona sida hal horyaal oo kale oo ay isk ark doonan dhammaan kooxaha ka qeybgalaya tartankaan.
Naadi kasta hadda waxaa uu cayaari doonaa ugu yaraan siddeed ciyaarood oo champion ah oo ay la ciyaarayaan siddeed kooxood oo kala duwan afar garoon, afar marti ah halkii ay ka ahaan lahaayeen lixdii kulan ee hore oo ay la ciyaari jireen saddex kooxood, oo lagu ciyaaro guri-iyo-marti. Sideeda kooxood ee ugu sareysa horyaalkaan cusub ayaa si toos ah ugu soo bixi doona wareega 16-ka, halka kooxaha ku dhameysta kaalmaha 9-aad ilaa 24-aad ay ku tartami doonaan laba lugood oo Play-off ah si ay u xaqiijiyaan booskooda 16-ka ee tartanka.
kooxaha soo socda ayaa ka qeyb qaadan doono horyaalkaan cusub ee champion league.
Shakhtar Donetsk iyo Benfica ayaa u soo baxay kooxaha Champions Leaque-ga iyo Europa Leaque-ga kadib markii ay ku soo guuleysteen horyaalada dalalkooda.
• UEFA Europa League winners: Atalanta
• England: Man City, Arsenal, Liverpool, Aston Villa
• Spain: Real Madrid, Barcelona, Girona, Atletico Madrid
• Germany: Leverkusen, Stuttgart, Bayern, Leipzig
• Italy: Inter Milan, AC Milan, Bologna, Juventus
• France: Paris Saint-Germain, Monaco, Brest
• Netherlands: PSV Eindhoven, Feyenoord
• Portugal: Sporting CP
• Belgium: Club Brugge
• Scotland: Celtic
• Austria: Sturm Graz
• European Performance Spots: Roma (Ita), Dortmund (Ger)
• Champions League winner rebalancing: Shakhtar Donetsk (Ukr)
• Europa League winner rebalancing: Benfica (Por)

Laba horyaal oo kala ah Italy iyo Germany – ayaa lagu abaalmariyay boosas dheeri ah oo loogu talagalay Champions League xilli ciyaareedka soo socda iyadoo lagu saleynayo qaab ciyaareedka Yurub xilli ciyaareedkan. Tani waxay ku salaysan tahay celceliska isku celceliska ugu fiican ee dhammaan kooxaha ka qayb qaadanaya Yurub ee waddan kasta. Labada horyaal ee ugu dhibcaha fiican ayaa helay boos dheeri ah. Kooxda Atalanta ayaa ugu yaraan ku soo baxday kaalinta afraad ee kala sareynta horyaalka talyaaniga ka dib markii ay 3-0 kaga badisay Torino isbuucii hore. Natiijadu waxay sidoo kale meesha ka saartay suurtogalnimada in booska lixaad ee Seria A loogu soo baxo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.


Wargeyska sports footbool.net https://www.skysports.com/football

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *