Arsenal: Mikel Arteta ayaa kala hadlay Manchester United weeraryahankooda Marcus Rashford suurta galnimada inuu u wareego Arsenal xagaagan, inkastoo ay Manchester hore u shaaciyeen in ay iibin doonaan dhowr cayaartooy uu jiro hadana lama oga in ay ka iibin doonaan Arsenal.
Arsenal ayaa sidoo kale dooneysa inay Tottenham Hotspur kula tartanto saxiixa 18-jirka khadka dhexe ee Rennes Desire Doue.

Manchester United ayaa isku dayi doonta inay lasoo saxiixato labada ciyaaryahan ee Chelsea Conor Gallagher iyo Trevoh Chalobah hadii Mauricio Pochettino loo magacaabo tababaraha cusub ee Red Devils xagaagan waa hadii ay eryaan Erik ten haag kaasi oo qaab liita kooxda u maamuley iyagoo ka dhacey kaalinta 8 ee horyaalka sanadkaan.

Weeraryahanka Brentford Ivan Toney ayaa sheegay in uu si farxad leh u aqbali lahaa hadii uu helo fursad uu ugu saxiixo kooxda Tottenham xagaagan.
Kooxda Saudi Pro League ee Al Ittihad ayaa diyaar u ah inay 25 milyan ginni kula soo wareegto goolhayaha Manchester City Ederson. City ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Kalvin Phillips xagaagan laakiin waxa ay iibin doontaa kaliya hadii lagu soo bandhigo lacag aad u badan oo ay ku qancaan.
Romelu Lukaku ayaa isku dayi doona inuu sii raaco tababarihiisi hore ee Inter Antonio Conte hadii uu qabto xilka Napoli, taasoo u gacan gelin doonta Chelsea inay ka caawiso baacsiga weeraryahanka Nigeria Victor Osimhen.
Goolhayaha Burnley James ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Trafford iyadoo saraakiil ka tirsan Blues ay diyaariyeen dalab 20 milyan ginni ah ay ku doonayaan 21 jirkaan.
Arda Guler ayaa iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Sevilla ama Real Betis xagaagan isaga oo doortay in uu u dagaalamo mustaqbalkiisa Real Madrid.
Joshua Kimmich ayaa diiday qandaraaska ay Barcelona u soo bandhigtay, kuwaasoo aan diyaar u ahayn inay bixiyaan mushaar u dhigma kan uu haatan ka qaato Bayern Munich.
Liverpool ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atalanta Ederson. 24-jirka ayaa weli saddex sano uga harsan tahay qandaraaskiisa
 
Wixii warar ah sports waxaad kala socon kartaan halkaan website keena.
 
Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *