Southampton ayaa dib ugu soo laabatay Premier League ka dib markii ay guul ka gaartay Leeds United finalka play-offka Championship ee Wembley Stadium galabnimadii maanta Axada.
Dagaalka u dhexeeyey kooxaha kaalinta seddexaad iyo tan afaraad ayaa dhacey galabta, iyadoo Adam Armstrong uu dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta daqiiqadii 24aad, isagoo ku dhameystirey si farsamo sare leh ka dib markii uu kubad kula dagaalamey xidiga Will Smallbone ee kooxda Leeds.
Leeds ayaan ku jirin qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqday Norwich City lugtii labaad ee semi-finalka, waxaana ay ugu dhawaatay inay gool dhaliso markii Daniel James uu kubad karoos ah la soo qaaday taasoo keentay inuu badbaadiyo goolhayaha Southampton Alex McCarthy. Kooxda Daniel Farke ayaa cadaadis badan saarneyd sagaalkii daqiiqo ee qeybta labaad ee ciyaarta, laakiin ma aysan helin goolka barbaraha, taasoo la micno ah in leeds United ay sii joogi doonto xilli ciyaareed kale oo horyaalka heerka labaad ah ugu yaraan.Dhanka Southampton, si kastaba ha ahaatee, guusha ayaa u aragta kooxda xeebta koonfureed inay ku soo laabato Premier League markii ay u laabatay heerka 2022/23. Waa markii ugu horeysay ay soo laabtaan heerka sare si dhaqsi badan ay ku soo laabtan sanad ka dib horyaalka priemeir league.
Kooxda South hampton ayaa ku dhameysatay kaalinta afaraad ka dib 46 kulan, iyadoo seddex dhibcood ka hooseyey kooxda Leeds, waxaana lagu lamaaneeyay West Bromwich Albion semi-finalka play-offka. Bar-baro goolal la’aan ah oo ay marti ahaayeen ayaa waxaa ku soo idlaatay 3-1 oo ay guushu ku raacday St Mary’s
Xidigii ciyaarta Armstrong ayaa la hadley warbaahinta cayaarta ka dib “Ma garanayo waxaan iraahdo, waa waxa aan shaqeyneynay sanadka oo dhan, waan ognahay sida uu u fiicnaaday horyaalka sanadkan.
Waa maxay qaab aan kor ugu kaco! Waxaan arkay booska goolka gadaashiisa waxaanan ogaa haddii aan goolka dhex dhigo kubada inay geli doonto, marka waxay ahayd mid aad u fiican.
Waxay la macno tahay wax walba. Gaffer iyo shaqaalihiisii waxay yimaadeen xilli-ciyaareed ka hor oo waxay dejiyeen calaamad muujinaysa waxay rabaan inay arkaan, oo bal tan eeg.
"Tani waa sababta aan u nahay ciyaaryahano kubada cagta ah, waxaan dooneynaa inaan ka qayb qaadano ciyaaraha ugu weyn, qaabkan ayaan ku guuleysan karnaa."





Wixii warar ah ee ku saabsan kubada cagta waxaad mar walba kala socon kartaan webkeena 24 saac.
Wargeyska sports footbool.net https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *