Manchester United iyo Chelsea ayaa ku dagaalami doona tababaraha kooxda Ipswich Kieran McKenna. Wakiilada McKenna ayaa la kulmay Man Utd, Sky Sports News ayaa ogaatay in Man United wali ma aysan go'aansan inay ku adkeysato Erik ten Hag xilli ciyaareedka soo socda iyadoo sidoo Chelsea ay eriday macalinkooda maalinta isniinta aheyd ee isbuucan ayaa haatan  raadineysa tababare cusub.
Hadda way caddahay in labada kooxood ee Man Utd iyo Chelsea ay McKenna ku hayaan liiska musharrixiinta suurto galka ah inkasta oo United aanay wali go’aansanin inay Erik ten Hag ku sii adkaysato xilli ciyaareedka soo socda.                    Laakiin warka sheegaya in Manchester United ay la soo xiriirtay McKenna sidoo kale, waa haddii ay go'aansadaan inay beddelaan tababarahooda ka dib finalka FA Cup-ka toddobaadkan hadii laga badiyo ayey go aan ka qaadan doonaan macalinkooda hada. 
McKenna ayaa liiska afarta macalin ee United ku soo biiray Pochettino iyo tababarihii hore ee Bayern Munich Thomas Tuchel  kuwaas oo labaduba ah  xor oo shaqo la aan ah, waxaana ku wehliya Frank lampad.
Haddii United ay guuldarro kala kulanto Manchester City garoonka Wembley, ma lagu cayaari doonto wax koobab Yurub ee Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda, ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta sideedaad ee Premier League.
Warar kala duwan ee soo baxaya ayaa sheega in wakiilada McKenna ay la kulmeen madaxa cusub ee fulinta Manchester United Omar Berrada iyo agaasimaha farsamada Jason Wilcox usbuucii hore, halkaasoo laga wada hadlay rajada uu ka qabo inuu qabto kooxda koowaad ee United.
Manchester United ayaa diiday inay ka hadasho markii ay la xiriirtay warbaahinta sportsa wax ka qora waxeyna sheegeen in ay hada diirada ay saarayaan finalka FA Cupka, iyadoo aan wax go’aan ah la shaacin doonin cayaartaas ka hor, waxaana dib loo eegi doonaa xilli ciyaareedka ka dib kulanka City.
Dhanka kale kooxda Ipswich ayaa doonayo McKenna inuu sii joogo oo uu hogaamiyo kooxda marka ay ku soo laabtaan Premier League.
Ten Hag ayaa dhawaan sheegay in uu ku kalsoon yahay shaqadiisa uuna guulaysan doono marka madaxdiisu ay go'aansadaan in uu sii ahaado tabaraha kooxda. Waxa uu sidoo kale sheegay Khamiistii in uu diirada saarayo ku guuleysiga FA Cupka halkii uu ka hadli lahaa suurtagalnimada in uu noqdo kulankiisii ​​​​ugu dambeeyay ee Man United.
United ayaa isha ku haysa in ay ka badbaadiso xilli ciyaareed liita oo ay dhaawacyo soo gaadheen iyaga raba in ay dariskooda City ku garaacay Wembley. Waxa ay u foorarsadeen Yurub ka hor Christmas-ka, waxaana ay ku jireen kaalinta sideedaad - oo ay ku dhameysteen Premier League ugu hooseeya - iyada oo la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalka tababare Ten Hag. Mar wax laga weydiiyay dadka qaar oo sheegaya in finalka isbuucaan uu noqon karo kulankiisii ​​ugu dambeeyay isagoo tababare ah United, Ten Hag ayaa ku qoslay oo yiri: “Ma jirto wax aan dhaho. “Kaliya waxaan diirada saarayaa shaqada ay tahay inaan qabto, waana marka hore inaan badino kulanka sabtida ka dibna waan arki doonaa wixi dhaco.
 
Wixii warar ah kala socda halkaan.
https://www.skysports.com/football https://www.footbool.net/ 
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *