Kooxda chelsea ayaa dib ugu soo laabatay baacsiga tababare cusub kadib markii ay kala tageen tababare Mauricio Pochettino. Macalinkii reer Argentine ayaa ka tagey kooxda chelsea kadib 11 bilood oo kaliya oo uu kooxda hogaaminayay isaga oo kooxda ku hogaamiyay in ay dib ugu soo laabtaan kubada cagta yurub kana soo guulaysteen tiro badan oo dhaleecayn Halka jamaahiirta Chelsea ay sugayaan Cesc Fabregas si uu u dhamaystiro calaamada tababaranimo oo uu u noqdo Mikel Arteta 2.0, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa siddeed bartilmaameed oo ay ku badali karaan Mauricio Pochettino. Sebastian Hoeness Awooddii Bayer Leverkusen ee Bundesliga ayaa qariyey shaqadii cajiibka lahayd ee Sebastian Hoeness uu ka qabtay Stuttgart xilli ciyaareedkan. 42-sano jirkaan, ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee buuxa ee kooxda uhogaamiyay Stuttgart, iyagoo ka sareeya Bayern Munich hada dhanka kala sareynta horyaalka, haddii aad hogaamin karto koox ka sareysa Bayern, wax sax ah ayaad samaysay. Waxa uu kaliya afar sano ku jiraa xirfadiisa tababarenimo wuxuuna soo jiitey indhaha taageerayaasha kubada cagta caalamka Kieran McKenna Kieran McKenna, oo ah ninka ay dareemeen ciyaartoy badan oo Manchester United ah in uu ka hor joogsaday caawinta intii uu joogay kooxda, ayaa hadda soo gabagabeeyay mid ka mid ah waxyaalihii ugu muhiimka badnaa ee kubbadda cagta Ingiriiska. Isagoo u horseeday Ipswich Town inay u soo gudubto League One 2022/23, McKenna wuxuu suurto galiyay dalacsiin kale 12 bilood ka dib wuxuuna ku hogaamiyay kooxda Ipwich in ay u soo gudbaan Premier League. Vincent Kompany Kompany ayaa ku jirey liiskii macalimiinta ugu dambeeyay ee Chelsea dooneysay ka hor inta aan la shaqaaleysiin Pochettino ka dib xilli ciyaareedkiisii wacnaa ee Championship ee Burnley, halkaas oo uu cadeeyay inuu kubad aad u fiican u ciyaarsiin karo koox kasta oo leh tayo badan leh ama aanba laheyn wax tayo badan ah. Roberto De Zerbi Roberto De Zerbi hadda waxa lagu heli karaa si bilaash ka dib markii uu ka tago Brighton & Hove Albion xagaagan. Tababaraha reer talyaani ayaa si xoog ah u qabsaday kubbada cagta Ingariiska wuxuuna u muuqday mid shaqo wayn qaban doona xagaagan ka hor inta ayna kooxdiisu Brighton ku dhameysatey xili ciyaareedka kaalinta 11-aad. Ruben Amorim Waxay u muuqataa in Ruben Amorim uu ku sigtay inuu dhaqaaqo koox weyn labadii sano ee la soo dhaafay ama wax ka badan, laakiin sabab kasta ha noqotee, arrimuhiisu wali waa sidi. Chelsea ayaa la xariirtey tababaraha Sporting CP xilli ciyaareedkii hore laakiin way iska dhaafen, sidaa darteed waxaa laga yaaba iney ku noqdaan doonistiisa, Stamford Bridge, laakiin xilli ciyaareedkiisii ku guulaysiga horyaalka dalkisa ayaa laga yaabaa inay ka caawiso isaga, kooxda chelseana ay beddelaan maskaxdooda. Thomas Tuchel Wararka ka imaanaya Jarmalka ayaa sheegaya in Tuchel uu jeclaan lahaa inuu dib u midoobo kooxdiisi hore ee Chelsea, laakiin shaqada Man Utd ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay xiiso leedahay. Milkiilayaasha Chelsea miyaa laga yaabaa inay si buuxda u wareegaan oo ay dalab u fidiyaan Thomas Tuchel?
Wargeyska sports footbool.net Sky Sports – Sports News, Transfers, Scores | Watch Live Sport