Mikel Arteta ayaa u magacaabay guuldaradii 2-0 ee Arsenal ka soo gaartay Aston Villa bishii hore ayey aheyd markii ay lumiyeen tartanka horyaalka Premier League.Arsenal ayaa awoodi wayday inay ku garaacdo Man City tartanka horyaalka Premier League.
Gunners ayaa u dagaalamaysay ilaa maalintii ugu dambaysay horyaalkan iyagoo isku dayayey iney ka hor istaagaan City in ay ku guulaystaan ​​koobkoodii afraad oo xidhiidh ah. Arsenal ayaa guul ka gaadhay Everton maalintii ugu dambaysay laakiin saddexda dhibcood kuma filnaanin in ay ku guulaysataan koobkan ka dib guushii ay City ka gaadhay West Ham ayaa ka dhigtay in ay laba dhibcood ka horayso. Inkasta ay seegay horyaalka, tababaraha Gunners Arteta ayaa weli ku faanaya kooxdiisa, isagoo sheegay inay " riixeen xad kasta ". Waxa uu sidoo kale milicsaday xilli ciyaareedka, isaga oo iftiimiyay xilliga uu horyaalka ka siibtay awooddooda.
"Waa hubaal Villa guriga," ayuu u magacaabay barta beddelka. “Qeybtii hore waxa ay aheyd 4-0, wixii dhacay Talaadadii la soo dhaafey Man City ay 2-0 kaga badisay Tottenham laga yaabee in kulankaan uu ahaa sidoo kale kii aan wayney horyaalka.
Shaqaalaha iyo ciyaartoydu waxay sameeyeen wax kasta oo aan ku guuleysan karno Premier League nasiib darrose kuma filnaanin.
Hambalyo Man city. Waa wax aan la rumaysan karin waxa ay sameeyeen ilaa December. Waxqabad kastaa wuxuu ahaa kii ugu sarreeyay ee aan waligey aragno, welina kuma filna."
Arteta ayaa sidoo kale la hadlo taageerayaasha koooxda kulankii shaley markoo soo gabo gaboobeyka hor inta uusan ka bixin garoonka.marka horewuxuu aad ugu mahad celiyey taageerayaashi garoonka soo buux dhaafiyey wuxuuna yiri. 
"Waxaan u maleynayaa in hadda la joogo waqtigii nasashada, ka fikiri lahaa, dib u milicsiga," ayuu u sheegay taageerayaashii ka soo qeyb galay. "Fadlan sii wad riixista iyo dhiirigelinta kooxdan, ha ku qancin sababtoo ah waxaan rabnaa wax ka badan taas, aad baad u mahadsantahay. "Waan soo laaban doonaa inagoo sidaan ka sii xoog badan oo  xitaa gaajaysan, waxaan ku dadaali doonaa inaan sameyno wax kasta aan ku guuleysano wax walba."

Wixii warar ah ee sports ah waxaad kala socon kartaan website keena maalin kasta iyo saacad kasta.

Wargeyska sports footbool.net  Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *