Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qirtay inuu ka cabsi qabo in kulanka ay kooxdiisu wajihi doonto West Ham United maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka inay noqoto mid dareen leh si la mid ah dagaalka ay kula jiraan Aston Villa dhamaadka xilli ciyaareedka 2021/22.
Labo sanno ka hor, City ayaa u soo baxday maalintii ugu dambeysay iyagoo u baahan seddex dhibcood oo ay ka horyimaadeen Villa si ay Liverpool ugu garaacaan horyaalka Premier League, laakiin waxay ku dhammaatay 2-0 iyadoo 20 daqiiqo ay ka harsan tahay, waxayna u muuqatay inay ku dhacday kulankii ugu dambeyey ee horyaalka taasi oo ay ku waayi lahaayeen horyaalka. Laakin City ayaa sameysay came back oo si cajiib ah, iyadoo Ilkay Gungodan uu u dhaliyay kooxdiisa  kubada uu soo qaabeeyey kubadsameeyaha  Rodri si uu u xaqiijiyo soo laabasho cajiib ah.
Markan City ayaa markale soo gaadhay maalintii ugu dambaysay iyada oo u baahan guul taasi oo ay  tahay dariiqa kaliya ee lagu dammaanad qaadi karo hanashada horyaalka oo ay ka horeeyaan Arsenal oo laba dhibcood ka hooseeysa dhanka horyaal hogaangiisa.
Inkastoo City ay aad ugu cadcad yihiin inay hantaan horyaalkaan  West Ham isla markaana ay ku guuleystaan ​​horyaalka, Guardiola ayaa qirtay inuusan fileynin in arrimuhu ay sidaas u fududaadaan.
Waxaan arkay kulamo dhowr ah oo ay cayaareen WestHam seddexdii ama afartii maalmood ee la soo dhaafay, laga soo bilaabo dhowr bilood ka hor, dhowr toddobaad ka hor, iyo ciyaartoodii ugu dambeysay. “Waxay heystaan ​​waxyaabo yar oo aan u baahanahay inaan xakameyno, hadii kale way adkaan doontaa, laakiin waxaan heysanaa labo maalmood oo aan ku diyaarino kulanka ugu dambeeya oo aan ugu  diyaar garowno si aad ku qaadi laheyn horyaalkeeni afaraad ee xariir ah.Guardiola ayaa intaa ku daray: “11-ka ciyaaryahan ee West Ham waxay diyaar u noqon doonaan inay na garaacaan, sida Aston Villa, laba xilli ciyaareed ka hor, waxba uma aysan ciyaarin, laakiin waan ogahay waxa dhacay. “Si la mid ah ayaa dhici doonta, marka nafteena iyo taageeroyaasheen waa in aan diyaar u noqonaa in aan dagaalano ilaa daqiiqada ugu dambeysa cayaarta waa wax ku xiran gacanteena hadaan garaacdo Westhamn waan qaadeynaa koobka, taageeroyashena waan ka rabnaa in ay  na garab istaagaan kulankaan oo ay soo buux dhaafiyaan garoonka ayna dhiiro geliyaan cayaartooydeena oo ku jira howshooda taasina ay u fududeyn doonto in ay qabsadaan howshooda

Wixii warar ah ee dheeri ah halkaan kala socdo

Wargeyska sports footbool.net.   Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min

Ikon för Verifierad av gruppen
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *