Manchester United ayaa diyaar u ah inay Bruno Fernandes u soo bandhigto Barcelona si ay qayb uga noqoto heshiiska ay kula wareegayso khadka dhexe ee Frenkie de Jong, kaasoo weli bartilmaameed muhiim ah u ah tababare Erik ten Hag.
Labada kooxood ayaa sidoo kale sameyn kara kala iibsasho cayaartoy xagaagan, iyadoo Barcelona ay diyaar u tahay inay ka faaideysado  xiisaha Man Utd u qabto Vitor Roque si ay taasi bedelkeeda u hesho laacibka man United dibad jooga ka ah ee deenta ku soo kooxda Getafe ee  Mason Greenwood.
Arsenal iyo Tottenham ayaa labadoodaba loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karaan xidiga garabka ka cayaara ee  Barcelona Raphinha aduun dhan 50 milyan ginni, iyadoo Xavi uu isku diyaariyay inuu iska diro  xiddigaan reer Brazil. 
Real Madrid ayaa Kylian Mbappe ku wareejin doonta lacag dhan 100 milyan oo euro oo ay ku saxiixan doonto xiddigan kaas oo la bixin doono muddo shan sano ah marka uu u dhaqaaqo Santiago Bernabeu.
Manchester City ayaa diyaarinaysa dalab qandaraas ah oo ay u soo bandhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos, kaasoo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga.
Milkiilaha kooxda Man United Sir Jim Ratcliffe ayaa doonaya in uu ganacsi la sameeyo kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man City isaga oo ka doonaya daafaca midig ee Yan Couto kaas oo Cityzens ay ku qiimayso 35 milyan ginni. 
Loolanka loogu jiro weeraryahanka Napoli Victor Osimhen waxaa haatan hogaaminaya Paris Saint-Germain, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa weli ah mid  mudnaanta koowaad siinaya kooxda Chelsea  suuqa kala iibsiga xagaaga.
Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso 85 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka West Ham United Mohammed Kudus.Sidoo kale raadaarka Liverpool waxaa ku jira garabka Newcastle United Anthony Gordon, kaasoo Magpies ay ku qiimeysay ku dhawaad ​​100 milyan ginni.
Kooxda Saudi Arabia ee Al Ittihad ayaa diyaarinaysa dalab ay ku doonayso goolhayaha Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen.
Newcastle ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee Tosin Adarabioyo marka uu dhaco qandaraaskiisa Fulham  xagaagan.
Tottenham ayaa ogolaatay inay daafaceeda Japhet Tanganga ka iibiso Millwall xagaagan ka dib markii uu dhamaadey waqtigii amaahda. 
Lix kooxood oo Premier League ah, oo ay ku jirto Liverpool, ayaa indha-indheeyayaal u diray si ay u daawadaan daafaca bidix ee Brest Bradley Locko dhawaanahan.

wixii warar ah ee ku saabsan xanta suuqa kala iibsiga cayaartooyda qaarada yurub iyo laatiin ameria iyo asia halkaan kala socdoa. Wargeyska footbool.net 

 https://www.footbool.net/    https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *