Van Nistelrooy ayaa xagaagii ku biiray shaqaalihii tababarka Erik ten Hag ee United, waxaana si deg deg ah loogu dhiibey tabare ku meel gaar ah ka dib markii la ceyriyay nin ay isku dalka Holland yihiin dhamaadkii October. Weeraryahankii hore ee United ayaa badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee uu hogaaminayay oo ay ku jiraan labo guul oo uu ka gaaray Leicester.
Steve Cooper waxaa shaqadii Foxes laga ceyriyay Axadii, shan bilood uun ka dib markii loo magacaabay xagaagii markii ay ku soo laabteen horyaalka. Tababarihii hore ee Nottingham Forest ayaa ku dhibtooday kooxdaan oo ay mar hore xafiiltameen wuxuuna kooxda ku hogaamiyay toban dhibcood 12 kulan oo horyaalka ah.
Habeenimadii Arbacada, The Telegraph ayaa faafisay warka ah in Van Nistelrooy uu ahaa musharraxa ugu cadcad jagada bannaan, iyada oo wargeysyo kala duwan ay si degdeg ah u shaaciyeen imaatinka uu ku dhow yahay. Waa la arki doonaa haddii tababaraha reer Holland, oo khibradiisii ​​hore ee maamulka sare ay ahayd 11 bilood oo uu ku sugnaa PSV Eindhoven, in ay caawin doonto si uu u maamulo kooxda Leicester oo safar u ah kooxda Brentford galabnimada sabtida.
Ruud van Nistelrooy hal kulan lagama badin isaga oo ah maamulaha ku meel gaadhka ah ee Man Utd.
Caawiyayaasha Cooper Alan Tate iyo Steve Rands ayaa sidoo kale shaqada laga ceyriyay, taasoo kooxda u gacan galisay si ku meel gaar ah macalinka kooxda koowaad ee Ben Dawson, kaasoo ay taageerayaan tababarayaasha Danny Alcock iyo Andy Hughes.
Van Nistelrooy ayaa si cad u qirtay dhowr jeer inuu doonayay inuu ka sii mid ahaado shaqaalaha tababarka ee United ka dib magacaabistii Ruben Amorim ee tababaraha. Si kastaba ha ahaatee, tababaraha reer Portugal ma uusan furin wax xiriir ah oo uu la yeesho tabarihii isaga ka horreeyay intii lagu jiray ku meel gaadhka Van Nistelrooy.
Isla maalintii uu Amorim yimid Manchester markii ugu horeysay ka dib markii uu si rasmi ah uga tagay Sporting CP, Van Nistelrooy ayaa la xaqiijiyay inuu baxayo.

Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *