Real Madrid ayaa ka hadashay fikradda ah inay Casemiro dib ugala soo wareegto Manchester United bisha Janaayo, laakiin ciyaaryahanka reer Brazil ayaa u arka inuu ku jiro cutubkii ugu dambeeyey ee xirfadiisa ciyaareed. (Trivela – Brazil)
Manchester United ayaa ka dhigi doonta Viktor Gyokeres, sheeko guul weyn uu ah macalinkooda cusub Ruben Amorim iyo kooxdiisa hore ee uu ka soo tagey Sporing CP,waxey ka dhigi doonan bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa kala iibsiga. (Sunday Mirror)
Gyokeres ayaa horay u diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxaha Man Utd iyo Arsenal isaga oo eegaya xiisaha madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta. Baadigoobka ay Barcelona ku raadinayso badalka Robert Lewandowski ayaa sidoo kale keentay in ay xiiso u qabto xiddiga Juventus Dusan Vlahovic. (El Nacional – Spain)
Man Utd ayaa liiskeeda suuqa kala iibsiga ku haysata saddex daafac oo garabka bidix ah kuwaas oo kala ah Alphonso Davies oo Bayern Munich ka tirsan, Milos Kerkez oo ka tirsan Bournemouth iyo Alvaro Fernandez oo Benfica ka tirsan oo hore ugu jiray buugaagta United. (Express)
Liverpool, Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood ku tartamaya saxiixa kubad sameeyaha Real Madrid Brahim Diaz, iyadoo dalabyo ay durba miiska saaran yihiin. (TodoFichajes – Spain)
Manchester City ayaa dooneysa inay ku xoojiso khadka dhexe, waxaana bartilmaameedka koowaad uu yahay xiddiga Crystal Palace Adam Wharton. (TEAMtalk)
Chelsea ayaa qorsheyneysa inay 125 milyan ginni ku weerarto Barcelona labada daafac dhexe ee Jules Kounde iyo Ronald Araujo. (Fichajes – Spain)
Real Madrid ayaan xiiseyneynin inay lasoo saxiixato xiddiga ku guuleystay Ballon d’Or 2024 ee Rodri oo ka yimid Manchester City, inkastoo ay sheegtay inuu xiiseynayo inuu ku biiro. (MARCA – Spain)
Arsenal ayaa u soo baxday mid ka mid ah kooxaha sida weyn u doonaya xiddiga khadka dhexe ee Netherland Tijani Reijnders kaas oo xilli ciyaareed fiican la qaadanaya kooxda Ac Milan. (Fichajes – Spain)
Manchester City ayaa heysata 20 milyan ginni oo lagu burburin karo dib u soo iibsashada Liam Delap oo ay ka iibisay Ipswich Town, taasoo laga yaabo inay meesha ka saarto xiisaha Chelsea. (Express)
Barcelona ayaa kula biirtay kooxaha Liverpool iyo Tottenham tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dambeedka midig ee Ajax Devyne Resnch. (Diario AS – Spain)
Weeraryahanka Chelsea Christopher Nkunku ayaa miisaamaya mustaqbalkiisa Stamford Bridge isagoo sii fadhiya kulsiga keyda halka Nicolas Jackson uu yahey booska koowaad. (Football)
Xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona Ansu Fati ayaa xiiso ka helaya labada kooxood ee Saudi Pro League ee Al Hilal iyo Al Nassr. (Fichajes – Spain)
Bayern Munich ayaa si adag uga shaqaynaysa sidii ay Joshua Kimmich uga ilaalin lahayd in uu beeca xorta ah uga tago xagaaga dambe. Real Madrid iyo Manchester City ayaa xiiso xoogan u muujiyay xiddiga reer Germany. (TBR Kubadda Cagta)
Aston Villa ayaa ku biirtay kooxo dhowr ah oo hogaanka u haya Serie A-da kuwaas oo soo bandhigay xiisaha amaah ee weeraryahanka Man Utd Joshua Zirkzee. (Cought Offside)
Newcastle United ayaa dejisay qorshe cajiib ah oo ay kula soo wareegayso 38 jirka xorta ah ee Sergio Ramos, kaasoo 16 sano ku qaatay Real Madrid intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2021. Magpies ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa heshiis ay kula soo saxiixaneyso Tomas Araujo oo ka tirsan Benfica, inkastoo aysan dooneynin inay ku dhawaadaan 84 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa. (Football Insider)
West Ham United ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Brighton & Hove Albion Evan Ferguson, kaasoo ku dhibtoonaya waqti la aan oo ku cayaaro, amaah. (Fichajes – Spain)
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/