Tababaraha cusub ee Manchester United Ruben Amorim ayaa ku tartarsiiyay ciyaartoyda da'da yar ee kooxdiisa inay muujiyaan tayadooda oo aysan ka gabban khibrad la'aantooda.Tababaraha cusub ayaa amaan badan ku helay wareysigiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu u soo wareegay Manchester, kaasoo uu ku ballanqaaday inuu kooox cusub ka abuuri doono Old Trafford, waxaana uu wacad ku maray inuu ku dadaali doono sidii uu kooxda ugu soo celin lahaa waayaheedii quruxda badnaa. Waxaa udub dhexaad u ah mustaqbalka kooxda United ayaa waxaa xudun u noqon doona kooxda da'da yarta u badan uu la wareegey Amorim. 39-jirkan ayaa ku raaxaysanaya fursad uu kula shaqeeyo ciyaaryahannada da´yarta ah oo ay ka midka yihiin Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho, Amad Diallo, Rasmus Hojlund iyo Leny Yoro, kuwaas oo dhammaantood ahaa mawduuca laga hadlaayo ka dib intii lagu arkey muuqaalkii ugu horreeyay ee Amorim ee kaamirooyinka MUTV. "Ma doonayo inaan sheego inaan u baahanahay wakhti sababtoo ah waxaan nahay koox da'yar," Amorim ayaa yidhi. “Waa ay diyaarsan yihiin, waxa ay diyaar u yihiin in ay la qabsadaan dalabaadka u ciyaarista Manchester United, waa in ay u noqdaan diyaar arintaas waana sababta ay halkaan u joogaan. "Waan ognahay inay waqti qaadan doonto, waxaana isku dayi doonaa laakiin waa inaan bilownaa tan iyo maalintii koobaad anagoo aan cabsi qabin, ka bilow maalinta ugu horeysa. "Waa in aan aqoonsi u yeelanaa," ayuu ku adkaystay. “Hadii ciyaartoydeena ay qaataan funaanada, waxay ogyihiin inay tahay kooxda Manchester United kooxda ugu fiican aduunka, qof walba si lamid ah ayuu u fakaraa, marka waa in ay sidaas u ciyaaraan oo ku raaxaystaan.
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/