Liverpool ayaa laba jeer goolal looga hormarey Arsenal galabnimadii Axada garoonka Emirates Stadium si ay u xaqiijiso halka dhibic laakiin xiddigii hore ee Reds Jamie Carragher ayaan ku qancin qaab ciyaareedkii ay ku soo bandhigeen Waqooyiga London. Jamie Carragher ayaa ka niyad jabay habka weerarka Liverpool intii lagu jiray barbaraha ay la galeen Arsenal. Kooxda Arne Slot ayaa ku dagaalantay 2-2 ciyaar ka dhacday garoonka Emirates galabnimadii Axadda. Reds laba jeer ayaa lagu hogaamiyey cayaarta oo ay ku dagaalameen oo ka dhacdey Waqooyiga London.

Bukayo Saka ayaa hogaanka u dhiibay Gunners, ka hor inta uusan goolka barbaraha u dhalin Virgil van Dijk. Mikel Merino ayaa hogaanka u soo celiyay kooxda martida loo ahaa, ka dib Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkii barbaraha.
In kasta oo Reds ay lahayd niyad dagaal, xiddigii hore ee Liverpool Carragher ayaa aaminsan in kooxda Slot ay ahayd inay garaacaan kooxdii ay martida u ahaayeen marka loo eego xidigaha ka dhaawacanaa dartoooda. Dhibaatada Arsenal ayaa kor u kacday intii ay socotay ciyaarta waxaana ciyaarta ka saaray Jurrien Timber iyo Gabriel Magalhaes. Carragher oo la hadlaya Sky Sports ayaa yidhi: “Waa in aan sheego in aan ka niyad jabay Liverpool, marka aad ka fikirto dhibaatadii ay Arsenal ku dhacdey ee dhaawacyadii intii ay ciyaarta socotay, markaas waxaan filanayey in ay abuuraan fursado badan”. Carragher ayaa sheegay in ay ahayd in Reds ay ka faa’iidaysato dhibaatada dhaawaca ee Arsenal, laakin kabtanka kooxda liverpool Van Dijk ayaa sheegay in Gunners ay wali haystaan koox adag. Isagoo la hadlayay Sky Sports, xidiga reer Holland ayaa yiri: “Ciyaaryahano kale ayaa ka dhaawacmay? Waxaan filayaa inay maanta laba dhaawac soo gaadheen. Sida iska cad waxay ciyaareen cayaar aad iyo aad u adag. waxeyna hesteen cayaartooy aad u xoogan. Waa qayb ka mid ah ciyaarta. Sida iska cad waanu riixnay oo aan u qalanay goolka barbaraha.” "Waxaad ku ciyaareysaa London, taageerayaal badan ayaa u jooga garoonkooda Arsenal, waxayna ku soo galeen garoonka dardar saaid ah, waa inaad u diyaargarowdaa inaad dagaalanto sababtoo ah  hal dhibic waan u dagaalaney waana u qalaney."
Dhibicda ayaa ka dhigeysa Liverpool inay fadhiso kaalinta labaad ee kala sarreynta Premier League iyadoo hal dhibic ka hooseeya Manchester City - kooxda Pep Guardiola ayaa hal gool kaliya ku guuleysatay inay garaacdo Southampton sabtidii. Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa kaalinta 3-aad ku jirta waxayna shan dhibcood u jirtaa booska kowaad.
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *