Paris Saint-Germain ayaa dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabto saxiixa weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford. Kooxda reer France ayaa doonaysay heshiis ku kacaya 75 milyan oo gini intii lagu jiray xagaagii laakiin United ayaa diiday oona rabtey in ka badan 100 milyan oo gini. (TEAMtalk)
Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso €50m (£41.9m) si ay ula soo wareegto daafaca dhexe ee Atalanta Isak Hien, kaasoo loo arko inuu tartan la galo xidigaha kala William Saliba iyo Gabriel. (Fichajes - Spain)
Christopher Nkunku inkastoo lala xiriirinayo kooxda PSG hadana Chelsea diyaar uma aha inay dhageysato dalabyo u imaanaya weeraryahanka reer France.(Football Insider)
Man Utd ayaa u aqoonsatay Ben Chilwell oo Chelsea ka tirsan inuu yahay bartilmaameedkooda dambeedka bidix ee sannadka 2025. (CaughtOffside).
Liverpool ayaa isha ku haysa inay la soo wareegto garabka Real Madrid ee Rodrygo waxayna diyaar u tahay inay "maalgashi weyn ku samayso" xiddiga reer Brazil, kaasoo lagu qiimeeyay in ka badan 130 milyan ginni intii lagu jiray xagaagan. (Defensa Central - Spain)
Aston Villa ayaa ka fiirsaneysa inay Janaayo dalab ka gudbiso daafaca dhexe ee RB Leipzig Castello Lukeba iyadoo rajeyneysa inay saxiixiisa ku garaacdo labada kooxood ee Chelsea iyo Real Madrid, laakiin qiimihiisu 60 milyan ginni ayaa keeni kara dhibaato. (Caughtoffside)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Nicolo Barella ayaa xiiseynaya Atletico Madrid, Real Madrid, Liverpool iyo Manchester City. (Fichajes - Spain)
Barcelona ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareysa ka dhigtay weeraryahanka Liverpool Darwin Nunez hadii ay ku guuldareystaan inay Erling Haaland kala soo saxiixdaan Manchester City xagaaga soo aadan. Alexander Isak oo u ciyaara kooxda Newcastle United ayaa ah dooqa saddexaad ee ay doonayaan. Isak ayaa hakad ku jira inuu saxiixo qandaraas cusub oo Newcastle ah ka dib markii uu dalbaday inuu noqdo qofka ugu mushaarka badan kooxda. Xiddiga reer Sweden ayaa sidoo kale doonaya in lagu bur-buro heshiiskiisa si uu u fududeeyo ka bixitaanka kooxda mustaqbalka iyada oo Arsenal ay isha ku hayso xaalada. ( talkSPORT)
Real Madrid ayaa tartan kala kulmeysa AC Milan tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee River Plate Franco Mastantuono, inkastoo kooxda Serie A aysan diyaar u aheyn inay ka bixiso 17 jirkaan €45m (£ 37.7m) ee lagu burburin karo qandaraaskiisa. (La Gazzetta dello Sport – Italy)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Angel Gomes ayaa ah mowduuca dagaal u dhaxeeya Tottenham Hotspur iyo kooxdiisi hore ee Man Utd xilli uu ku dhow yahay dhamaadka qandaraaskiisa. (GIVEMESPORT)
Kieran Tierney ayaan wax xiiso ah u qabin in uu sii joogo Arsenal waxana uu rajaynayaa in uu dib ula midoobo Brendan Rodgers ee Celtic. (TBR Kubadda Cagta)
Kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man City ayaa dhamaantood daawaday daafaca bidix ee kooxda Club Brugge Maxim De Cuyper iyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Torino ee Samuele Ricci markii xulalkooda Belguim iyo Italy ay isaga horyimaadeen tartanka Nations League. (TBR Kubadda Cagta)
Wixi warar ah ee ku saabskan kubada cagta waxaad kala socon kartaa halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsan kubbadda cagta. https://www.facebook.com/